War Culus:Markab U Rarnaa Ganacsade ka Soo Jeeda degaanada Puntland Oo Shixnado Hub Ah laga Helay

0
Tuesday January 24, 2017 - 12:41:54 in by Burco Office
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Culus:Markab U Rarnaa Ganacsade ka Soo Jeeda degaanada Puntland Oo Shixnado Hub Ah laga Helay

    Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyed ee Juballand ayaa qabtay hub laga helay markab ganacsi oo ku xiran dekeda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyed ee Juballand ayaa qabtay hub laga helay markab ganacsi oo ku xiran dekeda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose. Wararka ayaa sheegaya in hubkan uu ku jiray sanaadiiq lagu soo qariyey konteynaro laga dejinayey markab badeecado ganacsi sida oo dekeda Kismaayo ku xiran.

Hubka laga helay markabkan ayaa waxaa ka mid ahaa bastoolado fara badan, qoryaha RBG-ga ee Soomaalidu u taqaano baasuukaha iyo noocyo kale.

Shaqaalaha ka xamaasha dekeda Kismaayo oo arkay hubka sida qarsoodiga looga dejinayey markabka ayaa ku wargeliyey ciidamada amaanka taasoo horseeday in la qabto.

Masuuliyiin ka tirsan dekeda Kismaayo ayaa laga soo xigtay in markabka laga helay hubkan uu rarnaa ganacsade ka soo jeeda degaanada Puntland oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cabdijamaal.

Ma cadda halka laga keenay hubkan iyo cida loo waday, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku saabsan arrimaha hubkan qarsoodiga looga dejinayey dekeda Kismaayo.