Xulka Qaranka Algeria Oo Macasalaameeyay Koobka Qaramada Afrika Iyo Senegal Oo Algeria Ka Cidhibtirtay AFCON 2017.

0
Tuesday January 24, 2017 - 12:54:29 in by Burco Office
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Qaranka Algeria Oo Macasalaameeyay Koobka Qaramada Afrika Iyo Senegal Oo Algeria Ka Cidhibtirtay AFCON 2017.

    Xulka qaranka Algeria ayaa si rasmi ah u macasalaameeyay tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Gabon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Algeria ayaa si rasmi ah u macasalaameeyay tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Gabon

kadib markii ay laba dhibcood oo kaliya ka heleen saddex kulan oo ciyaareen waxayna kulankii ay rajadoodu ku xidhnayd barbaro 2:2 ah la galeen xulka qaranka Senegal halka Tunisia oo Algeria ay tartamayeen ay 4:2 ku garaacday Zimbabwe taas oo Algeria sabab ugu noqotay in ay xili horeba shandadaha ka soo xidh xidhaan Gabon.

Xulka qaranka Algeria ayaa mucjiso u baahnaa si ay baaqi ugu sii ahaadaan tartanka qaramada Afrika kadib marki ay hal dhibic oo kaliya ka soo heleen labadii kulan ee ugu horeeyay. Algeria ayaa la ciyaaraysay xulka qaranka Senegal oo xili horeba boos ka helay wareega sideed dhamaadka AFCON 2017, waxayna Riyad Mahrez iyo asxaabtiisa Algeria doonayeen in ay waxkasta u sameeyaan si ay sideed dhamaadka ugu soo bixi karaan.

DAQIIQADII 10 AAD GOOOOOOOOOL! Algeria ayay farxad u ahayd in ay xili horeba gool ka heleen Senegal kadib markii uu SLIMANI u dhaliyay goolka ay dhiiro galinta badan ka heleen laakiin isla daqiiqad Tunisa ayaa goolka furitaanka ka heshay kulankii Zimbabwe taas oo wali Algeria ku qasbaysay in ay dadaal badan sameeyaan, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Algeria hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 44 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Rajadii Algeria ayaa markale dhulka ku dhacday kadib markii xulka qaranka Senegal ay dhamaadkii qaybtii h--e ee kulankan uuP. DIOP u saxiixay goolka barbaraha wuxuuna ahaa gool sii qalbi jabiyay jamaahiirta Algeria waxayna qaybtii h--e ku dhamaatay babraro 1:1 ah.

DAQIIQADII 52 AAD GOOOOOOOOOOOL! Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu markaleSLIMANI xulka qarankiisa Algeria u dhaliyay goolka labaad ee a doonayeen in ay guul ku gaadhaan wuxuuna xidiga Leicester City ciyaarta markan ka dhigay 2:1 ay Algeria markii labaad hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 54 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Algeria ayaa markale ku fashilantay in ay natiijada fiican ee ay haysatay difaacato waxaana laba daqiiqo kadib goolka labaad Senegal u saxiixaySOW kaas oo markiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay barbaro 2:2 ah kaas oo xanuun kale ku sii abuuray Algeria.

DAQIIQADII 77 AAD Algeria ayaa ugu dhawaatay in ay la timaado goolkeeda saddexaad waxaana saddexley ugu dhawaaday in uu dhamaystirtoSLIMANI kaas oo kubbad gool cadaan ah loo fishay kula soo baxay goolka Senegal laakiin darbada uu u baahnaa in uu shabaqa ku gaadho ayaa birta sentimitir u maray ! Alla muxuu gool qasaaray ahaa!.

Kulanka Senegal iyo Algeria ayaa ahaa kulan xiiso badan oo kubbad qurux badan ay labada xul qaran soo bandhigeen isla markaana ay fursado badan ku abuurayeen, wuxuuna ahaa kulan si wayn uga duwanaa kulamadii la soo ciyaaray koobka qaramada Afrika.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2:2 ah kaas oo sabab u noqday in xulka qaranka Algeria uu si rasmi ah uga hadho taranka qaramada Afrika ee Gabon ka socda. Algeria iyo Zimbabwe ayaa Group B ka hadhay halka Senegal iyo Tunisia ay u soo baxeen wareega sideed dhamaadka AFCON 2017.

 

NATIIJOOYINKII GROUP B:

Algeria 2-2 Zimbabwe

Tunisia 0-2 Senegal

Algeria 0-2 Tunisia

Senegal 2-0 Zimbabwe

Zimbabwe 2-4 Tunisia

Senegal 2-2 Algeria

QAABKA LOOGU KALA BAXAY GROUPB:

Senegal -7 dhibcood iyo saddex kulan

Tunisia -6 dhibcood iyo saddex kulan

Algeria – 2 Dhibic iyo saddex kulan

Zimbabwe -1 Dhibcid iyo saddex kulan