"Haddii Muuse Biixi Diido Waxa Aanu Soo Jeedinay Guurtida Ayaanu Odhanaynaa Kordhiya" Faysal Cali Waraabe

0
Tuesday January 24, 2017 - 16:31:43 in by Burco Office
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii Muuse Biixi Diido Waxa Aanu Soo Jeedinay Guurtida Ayaanu Odhanaynaa Kordhiya" Faysal Cali Waraabe

    Hargeysa(AFKA)Guddoomiyaha xisbiga UCID ahna murashaxa xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu hanjabay murashaxa xisbiga KULMIYE in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Guddoomiyaha xisbiga UCID ahna murashaxa xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu hanjabay murashaxa xisbiga KULMIYE in

haddii uu aqbali waayo in madaxweyne Siilaanyo loo sameeyo muddo kordhin lix bilood ah ama uu keeni waayo xal macquul ah, inuu golaha guurtida ka dalban doono inay sameeyaan muddo kordhin.


Md. Faysal Cali Waraabe, oo uu waraysi la yeeshay weriye Faysal Fifa oo ka tirsan Somali Cable TV, wuxuu kaloo eeddo u jeediyay xisbiga Waddani, murashixii hore ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo weliba siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey).

Isagoo ugu horayn ka hadlaya xulashada murashaxa madaxweyne-xieen ee xisbiga UCID, wuxuu yidhi "Sharcigayagii waanu bedelnay, kuwa kalena waxaan jecelnahay inay bedeli doonaan, habka aanu qaadanay waxa weeye in murahaxa madaxweyne uu isagu doortaa qofka la ordaya ee uu isleeyahay qofkan ayaa codna kuu keeni kara, shaqadana kula qaban kara, markaa si looga baxo wixii ku dhacay xisbiyada Waddani iyo KULMIYE ee lagu kala jabay ku xigeenka, waanu bedelanay sharcigayaga aniga ayaa awood la ii siiyay inaan soo xulo, markaas waa liis furan bari iyo galbeed, Alle ayaanan tallo saaranaynaa.”

Isagoo ka hadlaya saamaynta ay siyaasiyiintii xisbiga UCID ka baxay ee ku biiray KULMIYE iyo Waddani ku yeelan karaan, wuxuu ku jawaabay "Nimankaas aad sheegtay xisbiga may ahayn, Jamaal xisbigii UDUB kumuu jirin intuu dhisnaa ee wuxuu iska ahaa taageere, xafiiskaas Gabiley wuu furi kari waayay, ilaa maanta xafiis Gabiley kuma lihin, Cali-gureyna waa iska taw-tawle nin taageero cid ku haysta ma jirto, facebookaas ayuu ka hadlaabaa la yidhi, markaas wax ay na yeelayaan ma jirtee, dhibaato ayay nagala tageen. Waad arkaysay Jamaal ninkii lagu dilay Qori-lugad inuu lahaa waa la shirqoolay, Cali-gurey beelo dhan ayaa nooga cawday, nimankaasi waxay ahaayeen niman aan aragti siyaasdeed iyo aragti hoggaamineed lahayn, markaas wax ay na yeelayaan wax ay noo tareen mooyee ma jirto.”

Waxa Faysal la weydiiyay sababta ay wada shaqayn u yeelan waayeen labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, waxaanu yidhi "Waddani dhawr iyo toban kooxood ayaa ku jira, kuwii Xamar ka yimid ayaa ku jira, kuwii intaas oo sannadood KULMIYE ku jiray ee aanu ku lahayn waxba maydun qaban ma markay ka soo baxeen ayay dahab noqonayaan, ta kale ragga ku jira ee musdambeedka ahi ee isku reerka ahi dee waa raggii UDUB, Cabdiraxmaana waa UCID. Dee Markaas waxaynu nidhaahdno waa xisbi, lacag ayaa la soo ururinayaa oo xaflado ayaa la dhigayaa maaha siyaasad, waxa la kala dooranayaa waa hoggaanka, Cabdiraxmaan, muxuu qabtay, Muuse muxuu qabtay, Faysal maxaa taariikhda ugu jira.

Maanta waxa la kala dooranayaa waxaas laakiin lacag ayaan dumar siiyay oo ii heesay oo afka soo casaystay oo bootar soo marsaday adeer waxaasi dawladnimo maaha.”

Isagoo ka hadlaya haddii uu murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku adkaysto in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto islamarkaana diido muddo kordhinta lixda bilood ah ee ay soo jeediyeen mucaaradku wuxuu yidhi "Haddii uu na diido Muuse iyo KULMIYE waxan aanu soo jeedinay ee dhexdhexaadka ah guurtida ayaan odhanayaa kordhiya bal waa waxa ay ka helaane, guurtidu markay kordhisana dawlad midnimo qaran leh sameeya ayaan odhanayaa.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi "Aniga barnaamijkaygu wuu midaysanyahay nin iska soo toosa ma ihi, noloshayda oo dhan Somaliland ayan siiyay. hadduu muuse diido oo uu nala qaadan waayo wakhtigaas lixda bilood ah ama uu keeni waayo wax u dhow oo macquul ah oo laga doodo guurtida ayaan tagayaa Arbacada, oo aan odhanayaa heshiin waynee sameeya, markuu Xaaji Cabdi ku dhufto ushiisiina waxaanu odhanaynaa dawlad midnimo qaran leh sameeya.”