Daawo:"Shirkada Telesom Waxay Cadeysay In Aaney U Naxeen Shacbiga Reer Somaliland Ee Sicir Bararku Aafeeyey Isla Markaana Dhiig Miirad Yahiin ".. Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada

0
Wednesday January 25, 2017 - 12:23:53 in by Burco Office
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:"Shirkada Telesom Waxay Cadeysay In Aaney U Naxeen Shacbiga Reer Somaliland Ee Sicir Bararku Aafeeyey Isla Markaana Dhiig Miirad Yahiin ".. Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada

    Xukuumada Somaliland oo si cadho Leh uga jawaabtey hadalo ka soo yeedhay shirkada isgaadhsiinta ee Telesom waxaana ay shirkadaasi ku sifeeyeen mid aan u naxeen shacbiga reer Somaliland ee sicir bararku afaayey , isla markaana ay tahay shirkad dhii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland oo si cadho Leh uga jawaabtey hadalo ka soo yeedhay shirkada isgaadhsiinta ee Telesom waxaana ay shirkadaasi ku sifeeyeen mid aan u naxeen shacbiga reer Somaliland ee sicir bararku afaayey , isla markaana ay tahay shirkad dhiig miirad ah .


Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Somaliland Cali Dhegeoole oo warbaahinta la hadley waxaa uu sheegay in ay talaabo adag oo awood dawladeed ah u adeegsan doonan cid kasta oo isku deyda in go,aamadii shalay la soo saarey ay jabisay isla markaana waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay xukuumadu amartey xadhiga sarkaal ka tirsan shirkada Telesom oo shalay sheegay ganafka ku dhuftey go,aankii madaxtooyada ka soo baxay

" Ninkaas afhayeenka ah ee u hadley Shirkada TELESOM waxaa uu cadeeeyey in aanay u damqaneen shacabigeena sicir bararku afeeyey , go,aankaas shalay ka soo baxay shirkii golaha wasiiradu waxaa uu noqon doona mid soconaya , cid kasta oo ka hor timaadana waxaanu ka qaadi doonaa talaabo adag , waxaana ay cadeysay shirkada TELESOM in ay dhiig miirad yahiin " wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Somaliland