Daawo:Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Oo Markii Ugu Horeysay Booqasho Ku Yimid Deeganada Somalida Ee Dalkasi

0
Wednesday January 25, 2017 - 12:36:57 in by Burco Office
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Oo Markii Ugu Horeysay Booqasho Ku Yimid Deeganada Somalida Ee Dalkasi

    Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Salaasadii Shalay Ahayd socdaal shaqo oo uu ku darsayo xaaladda is-beddelka Cimilada ee sababta u ah Roobyaraanta iyo korodhka Abaaraha ku maray gobollo iyo mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Salaasadii Shalay Ahayd socdaal shaqo oo uu ku darsayo xaaladda is-beddelka Cimilada ee sababta u ah Roobyaraanta iyo korodhka Abaaraha ku maray gobollo iyo magaalooyin ka tirsan Dhulka Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Raysal-wasaaraha iyo Weftigiisa oo Diyaarad ku yimi magaalada Qarbitahar, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, Masuuliyiin Dawlad-deegaanka ka tirsan, Wax-garadka iyo Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Qorraxay, waxaanu sheegay inay dawladda Federaalka Itoobiya sii wadayso taageerada Bulshada iyo wax ka qabashada xaaladda Abaaraha iyo bulshada ay saameeyeen, waxaanu sheegay inuu safarkiisani yahay mid uu ugu kuur-galayo saamaynta abaaraha, is-beddelka cimilada iyo sidii ay dawladdu Shacabka wax uga qaban lahayd, isaga oo u mahad-celiyey dawlad-deegaanka oo uu sheegay inay door fiican ka qaadatay ka jawaabidda saamaynta Abaaraha ee deegaanka.

 

Waxay Weftiga Raysal-wasaaraha oo ay waheliyaan Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiin labada dhinaca ah, ayaa gaadhay degmada Gaashaammo ee Bariga Itoobiya, isaga oo Safarkiisani noqday kii ugu horreeyey ee uu Raysal-wasaare Itoobiya hoggaamiyaa ku tago Gaashaammo, halkaas oo ay ku tageen Diyaarad ka mid ah kuwa qumaatiga u kaca, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey Raysal-wasaaraha iyo Weftigiisa