Donald Trump Oo Joojinaya Qaxootiga Laga Keeno Soomaaliya Iyo Dalalka Islaamka.

0
Thursday January 26, 2017 - 12:29:26 in by Burco Office
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Joojinaya Qaxootiga Laga Keeno Soomaaliya Iyo Dalalka Islaamka.

    Madaxeynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta saxiixo sharci cusub oo lagu xakameenayo dadka qaxootiga ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxeynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta saxiixo sharci cusub oo lagu xakameenayo dadka qaxootiga ah

ee ka yimaada 7 wadan oo Islaam ah oo ay ku jirto Soomaaliya.


Tilaabadan ayaa xayiraad saareysa dadka qaxootiga ah ee uu Maraykanka horey u geyn jiray dalkiisa, waxayna qeyb ka tahay balanqaadkii Trump xiligii uu ku jiray ololaha oo uu sheegay inuu dalka Maraykanka u diidi doono in la keeno Qaxootiga Muslimiinta ah, wuxuuna xiligaasi si gaar ah usoo hadal qaaday Soomaalida mar uu olole uga jiray gobalka Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota.

Dalalka la filayo in saaro xanibaadan VISA iyo joojinta Qaxootiga lasoo qaadi jiray ayaa kala ah; Soomaaliya, Suudaan, Siiriya, Ciraaq, Iran, Liibiya iyo Yemen.

Trump oo ay u tahay todobaadkii ugu horeeyey oo uu shaqo bilaabo ayaa wada saxiixida sharuuc cusub iyo wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku doonayo inuu wax uga bedalo sharuucdii horey u tiilay dalkaasi.

Donald Trump ayaa shalay qalinka ku duugay hirgelinta laba mashruuc ee dhuumaha shidaalka ee laga sameenayo gudaha Maraykanka, mashaariicdaasi oo horey dooda xoogan uga taagneyd sida mashruuca North Dakota oo ay kasoo horjeedaan Dadka dhulkaasi leh ee Native Americans oo sheegay in dhuumahaasi shidaalka la doonayo in la marsiiyo dhulka ay biyaha ka cabaan iyo deegaankooda taariikhiga ah.

Xukuumada Trump ayaa sidoo kale kulan la yeelatay shirkadaha sameeya Baabuurta kuwaasi oo uu Trump u balan qaaday inuu ka qaadi doono xayiraada badan ee dowladihii hore saareen shirkadaasi dhanka dhowrista bey’ada.