Tababaraha Real Betis Victor Sanchez Oo Hirgalin Doona Caawa Qorshe Ciyaareed Lagu Joojin Karo Lionel Messi

0
Sunday January 29, 2017 - 10:12:47 in by Burco Office
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Real Betis Victor Sanchez Oo Hirgalin Doona Caawa Qorshe Ciyaareed Lagu Joojin Karo Lionel Messi

    Ka hor kulanka ay galabta ay galabta la ciyaari doonto Barcelona, kooxda martida loo yahay ee Real Betis ayaa tababar albaabka uu u xiran yahay sameeyay arbacadii waxaana lagu soo xan waramay in tababare Victor Sanchez uu diyaarinayay qorshe ka dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka hor kulanka ay galabta ay galabta la ciyaari doonto Barcelona, kooxda martida loo yahay ee Real Betis ayaa tababar albaabka uu u xiran yahay sameeyay arbacadii waxaana lagu soo xan waramay in tababare Victor Sanchez uu diyaarinayay qorshe ka dhan ah Lionel Messi.


Shaki kuma jiro in qof walba oo ka hor yimaada Barcelona uu ka walwalo halista Lionel Messi, mana kusii jirto Real Betis marka la fiiriyo kulamadii ugu dambeeyay oo uu ka hortagay kooxda wuxuu sameeyay wax walba.

29-jirkaan reer Argentina ayaan waligiis guuldaro kala kulmin Real Betis sida ay ku warantay jariiradda Marca iyadoo qeexday inuu 14-kulan oo uu ka hor yimid kulamada La Liga uu guul gaaray 11-ka mid ah sadex jeerna uu barbaro ka qaatay.

Leo mudadaas wuxuu Real Betis ka dhaliyay 12-gool oo ay ku jiraan shan kulan oo uu ka dhaliyay min 2-gool, marka guud ahaan tartamada oo dhan la fiiriyo wuxuu la kulmay 16-kulan wuxuuna ka dhaliyay 16-gool oo ay ka mid tahay hal sadexley.

Si kastaba Victor Sanchez ayaa raadin doona xal looga hortago Lionel Messi inkastoo uu shirkisa jaraa’id ku sheegay in muhiimadda ay tahay iney hakiyaan Barcelona sidoo kalana uu helay dul-duleelo badan oo ay ka liidato.

"”Waxaan isku dayi doonaa inaan u ciyaarno si heer sare ah si aan uga hortagno tayada shaqsiyadeed ee kooxda Barcelona”

"Waxaa jiray kulamo qaar xagaagan oo aan arkay Barcelona oo dhibtooneysa isla markaana aysan helin natiijooyin fiican”

"Waxaan isku dayi doonaan inaan noqono mid ka mid ah koxaha dhibaatada u geysta Barcelona kana hela guul. Xitaa iyadoo uu u ciyaarayo Messi, mar walba maahan koox guuleysata”