QARAN IYO QABIIL WUXUU KA DHIGAN YAHAY JANNO IYO CADAAB‏ W/Q:Cabdalle Sahal

0
Saturday June 28, 2014 - 15:27:00 in by Super Admin
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QARAN IYO QABIIL WUXUU KA DHIGAN YAHAY JANNO IYO CADAAB‏ W/Q:Cabdalle Sahal

    Waxaan dignin culus u diraya bulshada reer somaliland oo aan leeyahay kala saara siyaasada iyo qabyaalada sidaa horeba u kala saarteen diinta iyo siyaasada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan dignin culus u diraya bulshada reer somaliland oo aan leeyahay kala saara siyaasada iyo qabyaalada sidaa horeba u kala saarteen diinta iyo siyaasada.

BIN ADAM wuxuu leeyahay dhaqanno badancaadooyin, diin, siyaasad, qabyaalad, cunfi,bashaash,fariid,nacas,geesi,fulay,deeqsi,bakhayl,cilmi,jahal intaa waxaa u dheer talo wanaagsan ama talo xun.

intaasoo sifood oo aynu soo sheegnay midna mida kale heshiis lama aha su'aasha taagani waxay tahay qofku maysku wadi kara ama se ma ku wada dhaqmi kara.
waxaynu maanta eegayna sifada qabyaalada oo aad dadkeena dhibaato ugu haysa oo haddi aan dawo loo helin ifka iyo akhiroba ina galaafanaysa nasiib daradu waxay tahay halkii laga eegayey kamay soo bixine meel aan laga fileyn bay ka timi waana dadkii wax u bartay umadan.
Nin mutacalima oo reer magaal ah oo laakin taclinti iyo ilbaxnimadi ku saaqiday ayaa qabyaaladii baraya dadkii aan nasiibka u helin inay wax bartan waa arin laga cawdu bileysta.
Haddad miyiga tagto waxaad arkaysa in qabyaalada ugu dhaqman sidii quraanku yidhi ama se si u dhow wanaag iyo sharafna ay kuwada nool yihiin isna jecel yihiin oo isu guraan oo biyaha iyo baadkuba ka dhexeeyo laakin nasiib daradu ay tahay nimankii rafaadka iyo darxumada ka saari laha oo waxay barteen iyo ilbaxnimaday korodhsadeen noqotay xasarad iyo hebel oo is afgarawa dhex maray uu ugu qayshado qabiilkiisi oo u tuso in xasaradu ka dhex taagan tahay 2 qabiil si aan fashilkiisu u muuqan waayo haddii lagaga badiyey loolankii waxa dhacaysa in uu waayo kalsoonidii bulshaweynta ciday doonaanba ha ahaadaane beryahan waxaad arkaysa reer hebel baa meel hebel ku shiray oo ka arinsanaya marka waxa taagan garoo ninkan reerka shirka u wada dan reerka ah ma wadee waa hiil doon waayo waa nin laga badiyey.
haddaba siyaasiyiinta reer somaliland mala waxay ugu badin lahayd iyagoo intay reer ku ordayaan bulshadoo midaysan arinkay watan usoo bandhiga taasina madhacayso arinkay wataan maba aha marka horeba mid waddo saxa haysta.
tusaale mulkiilihii iyo qoraagi Haatuf ee la xidhay cida u doodaysa Hargaisa waa intay isku qabiilka yihiin
maxaa loo waayey xaafadaha kale inay u hiiliyaan waxaynu soo qaadanayna ururka SOLJA ee saxaafada madaxa banan gudoomiyahoodu wuu ka gaabsaday halka gudoomiye ku xigeenka iyo xoghayuhu meel kasta MADASHA,MAXKAMADA Xisbiyada Mucaaridka ah la taagan yihiin xadhiga HAATUF waa sharci darro iyagoo weliba qadaf iyo aflagaadooyin badan raacinaya xaga madasha hadaynu u kacno siyaasiyiintii ku sugnayd waxaa arinkan xoog uga hadlaya waa Maxamed Xaashi iyo Ibrahim Dhegaweyne ragii kale way ka muquurteen waayo xaqaa'iqa jirey ogaadeen iyo gefka uu ku kacay HAATUF.
Ta kale KULMIYE khilaafkii ka dhex taagnaa xamaasad xoog badan baa xaafada ay isku qabiilka yihiin MUSE BIXII ka jirtey welina ka jirta halka xaafadaha kale ay ugu muuqato arin caadi ah oo rag siyaasad isku haya ay ka dhex shidan tahay midkoodna daaqada laga tuuri ama ay heshiinba waxa lagu macnayn kara in meelaha qaar ama inteena badan weli ay qabyaaladu kaga xoog badan tahay qaranimada.

haddaba walaalayaal waa inaynu meel uga soo wada jeesanna caadada xun ee inoo horseedaysa ayaa la'aan aduunyo iyo cadaab aakhiro.
waxaa iga dardaaran ah inaggoo isku duuban bisha barakaysan aynu dalkeena u ducayno in ilaahay bashbash iyo barwaaqo inooga dhigo madaxdeenana inoo hagaajiyo (Hagaajiyow Hagaaji)

Ramadan Kareem
Cabdalle Sahal
abdalla_farah@hotmail.com)





*************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadiisa xushmadeeda iyo xilkeedaba leh