Waabaad I xusuusisay!! WQ:Saleebaan Ibrahim Khayre

0
Sunday June 29, 2014 - 12:22:42 in by salman abdi
  • Visits: 1918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waabaad I xusuusisay!! WQ:Saleebaan Ibrahim Khayre

    Waa Qormo ka hadlaysa Xogta ku duugan xadhiga wargeyska haatuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Qormo ka hadlaysa Xogta ku duugan xadhiga wargeyska haatuf



‘Shiba waxa dibnihii looga dhigay shar iyo khayr daayey

Abwaan wuxu murtidii uga shakiyey sheeg hadaad garato’

‘Runtii shibiqda waxa looga dhigay una shareernaatay

Ee Beentu shaaraca ku timi sheeg hadaad garato’

‘Shirkii lagu balamay faaladii shaaca laga qaaday

Shalmadi koore raacdaye waxbaan sheeda ka arkaaye

Shishe u garanay haasaawihii shaadirka lahaaye

Shafdhigeedu meeshuu hirdiyey sheeg hadaad garato’

‘Belaayada shinkeed galay fidnada laga shaqaynaayo

Shoocaaligeedaa hirmacay waase sheen go’aye

Shakartii qabiilkiyo wiglada lagu shanlaynaayo

Waxa qaranka shuushkii ka baxay dib ugu shaansheeyey

Shaarubo libaax iyo hadday shaadh amaan tolatay

Sharcigii qaban lahaa meelu jiro sheeg hadaad garato’

‘ninku kibirku shaanshaan ka riday maalmo shaxanreebye

misne waxaanu sheekada ku darin shiishka soo maqane

inta shaqalka gaabani u jiro sheeg haddaad garato’

Tuducyo ka mid ah Maansadii Shiinley ee Cabdi Iidaan Rabbi naxariistii jano ha ka waraabiyo.

Sida aynu ogsoonahay wargeysyada haatuf iyo Somaliland times waxa ay soo bandhigeen musuqmaasuq ay samaysay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gaar ahaan wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta JSL, haddaba markii uu wargeysku daboolka ka rogay musuqmaasuqaas ayaa albaabada loo laabay wargaysyaddii Haatuf iyo Somaliland times, Mulkiilihii iyo tafatirihiina xabsiga loo taxaabay ugu danbayntiina waxa ay xukuumada ku xukuntay iyada oo maxkamada u sii maraysa xadhig, ganaax lacageed iyo wargeysyadii oo laga qaaday ruqsadii sharciga ahayd waana la mamnuucay soo bixistooda.

Waxaa kale oo maalmahan la hadal hayaa in la iibinaayo dhismihii wargeysyada Haatuf iyo Somaliland times ay deganayd. Dhismahaas oo ah dhisme dowladeed balse wargeysku ku shaqaynaayey muddo labbaataneeyo sanno ah waxaana la sheegayaa in tujaarta waaweyn laga baayacay lana gaadhay qadar lacageed oo lagu qiyaasay 10 million oo doolarka maraykanka ah. Markaa haddii ay arrintaasi dhabowdo miyaanay noqonayn ‘waabaad I xasuusisay!! oo waxaan iibinayaa dhismaha wargeysyadu ku shaqeeyaan’. Ilayn wargeysyadaa ciyaartii waynayso ku eegaayee.

Haddaba waxaan ugu baaqayaa xukuumada inay ku soo noqoto ku dhaqankii distoorka JSL, Wargeysyada iyo weriyayaashana ay xuquuqdoodii u soo celiso.

Wasiirada dhegxumada u soo jiiday xukuumadana aanay difaacin balse ay waajibkooda mariso. Booba yaa wasiiro iyo xukuumad. Haddii kale ha ogaato inaan la iskaga hadhay dhiishaa dhaansiga hantida qaranka waana lala xisaabtami doonaa marka talada food lagaga qaado.


Qalinkii Saleebaan Ibrahim Mohamoud

Email: khayreibrahim@outlook.com

Togdheer, Burco



 

**********************************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadiisa xushmadeeda iyo xilkeedaba leh