Xukuumadda Maraykanka Oo Racfaan Ka Qaadatay Xukunkii La Isku Hortaagay Amarkii Trump Ee Tarxiilka Ahaa
Hadalkan ayaa waxaa daba socday qoraallo uu Twitter soo dhigay Mr Trump, kuwaasoo uu ku cambaareeyey qaaddigii xukunka riday, wuxuuna ka digay in 'dad xun oo khatar ah' ay Maraykanka ku soo qulquli doonaan arrintaas darteed.Daqiiqadihii u dambeeyey ayaa lagu dhawaaqay in waaxda cadaaladda ee Maraykanka ay racfaan ka qaadatay xukunkii uu riday xaakim jooga Seattle, kaasoo dhan ka ahaa amarkii uu Donald Trump ku joojiyey inay waddanka soo galaan dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.
Shirkadaha dayaaradaha qaarkood ayaa mar kale u ogolaaday muwaadiniinta u dhalatay dalalka ay arrintan saamaysay inay raacaan dayaaradahooda u duulaya Maraykanka.
Dhanka kalena, banaanabaxyo dheeraad ah ayaa ka
sii socday Washington, kuwaasoo looga soo horjeedo xayiraadda safarka ee uu xukuumaddu ay soo rogtay.
Banaanbaxyadaas oo kale ayaa ka dhacay magaalooyin kale oo Maraykanka ku yaalla sida Miami, iyo qaar ka mid ah caasimadaha dalalka Yurub.
Sources: SOURCES