
GERMANY OO U SOO GUDUBTAY WAREEGA 8DA KADIB GUUL DIRQI AH OO AY KA GAARTAY AL-GERIA
taas oo keentay inay u gudbaan wareega 8da ee koobka adduunka halka walaalaha Al-Geria ay si sharaf leh oga hareen koobka.
Qaybtii hore ee ciyaarta xulka qaranka Al-Geria ayaa aad uga awood badnaa kan Germany waxayna iska qasaariyeen fursado aad u badnaa oo ay goolal ku dhalin kareen, balse Slimani ayaa laga diiday gool kadib markii garsooruhu uu tilmaamay inuu ku jiray Offside.
Germany ayaa dhankooda helay fursado aad halis u ahaa oo ay ku qaban kareen hogaanlka ciyaarta gool hayaha Al-Geria Mbolhi ayaa ka hor istaagay isagoo ahaa geesigii ciyaarta, 0-0 ayaana lagu kala maray qaybtii hore.
Qaybtii danbe ee ciyaarta majirin wax iska badalay natiijada lakiin xulka qaranka Germany ayaa ka ciyaar wanaagsanaa Al-Geria iyagoo u muuqday kuwo hurdo ka soo toosay, Andre Schurrle oo badalay ku soo galay ayaa wax wayn kabadalay qaab ciyaareed ka Germany.
Qaybtii danbe ayaa ku soo idlaatay 0-0 waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah, bilowgii qaybta hore ee waqtiga dheeriga ahaa, Andre Schurrle ayaa hogaanka u dhiibay xulka qaranka Germany kadib markii uu sifiican u dabamariyay kubad uu ka helay Muller gool haye Mbolhi walow ladhihi karay wuxuu ahaa mid nasiib ku yimid maadama kubadu ay isaga dhacday lugtiisa danbe, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.
Qaybtii danbe oo dhamaad ku sii dhaw Mesut Ozil ayaa 2-0 ka dhigay ciyaarta kadib markii uu meel cidlaa ka helay kubad ay soo tufeen difaacyada AL-Geria wuxuuna si xoogan u dhex dhigay shabaqa.
Dhamaad kii ciyaarta DJabou ayaa gool u soo celiyay xulkiisa Al-Geria, ciyaarta ayaana ugu danbayntii ku soo idlaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday qaranka Germany.
Germany ayaa laciyaari doonta wareega 8da ee koobka adduuka xulka qaranka France.
Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com
GERMANY OO U SOO GUDUBTAY WAREEGA 8DA KADIB GUUL DIRQI AH OO AY KA GAARTAY AL-GERIA
Germany ayaa laciyaari doonta wareega 8da ee koobka adduuka xulka qaranka France.