
France Oo Ka Degtay Wareega 8-da Iyo Nigeria Oo Ka Hadhay Koobka Aduunka +Germany Iyo France Oo Sii Watay Socdaalkoodii+Sawiro
Iyo Afrika Oo Wacdaro Kadib Laga Sifeeyay Brazil
Xulka waddanka Germany ayaa dirqi kaga adkaaday Algeria isla markaana boos ka diyaarsaday Rubuc dhamaadka (Quarter Finals) ka koobka aduunka kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen wakhtigii lagu daray ciyaarta xallay.
Andre Schurrle oo qaybtii hore ee 30 kii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta shabaqa dhigay kubad uu soo jabiyey Muller iyo gool uu qaybtii dambe ee wakhtiga dheeraadka ah dhaliyey Mesut Ozil ayaa Germany u horseeday guusha naflacaariga ahayd ee ay kaga dul talaabsadeen Algeria.
In kasta oo Algeria uu gool u soo celiyey Abdelmoumene Djabou, nasiib xumo wuxuu yimid wakhti ay ciyaartu sii dhamaanayso , Goolka Ozil-na ka dambeysay waxaan ka badnayn 2 daqiiqo.
Algeria ayaa ka reebtay Germany koob aduunkii 1982 kii , ciyaartan xallayna waxay noqonaysaa aar gudashadii kulankaas ee Garmelku isaga maydhaan ceebtaas.
Labada xul ayaa isku naf baxay oo isla daalay , goolasha ayaa dhashay wakhti kubadu iska baaxaa degayso oo aanay jirin awood badan oo ciyaaryahanadu ku riixayeen.
Germany ayaa afka uga gashay wareega 8 da , qaranka France oo iyaguna Fiidkii isla habeenkan reebtay xulkii kale ee Afrika ka socday ee Nigeria oo ay ku dhaafeen 2-0.
France Oo Ka Degtay Wareega 8-da Iyo Nigeria Oo Ka Hadhay Koobka Aduunka
xulka qaranka France ayaa u gudbay wareega 8da ee Koobka Adduunka kadib markii ay si dirqi ah 2-0 kaga badiyeen xulka matalayey qaarada Africa ee Nigeria ciyaar adag oo ku dhex martay garoonka Garrincha Stadium.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayeey labada xul soo bandhigeen ciyaar aan la jecleysan oo salka ku haysay qaab difaac balse xulka Nigeria ayaa fursado ay heleen ka faa’ideysan waayay, waxaana qaybtii hore lagu kala baxay 0-0.
weeraryahanka reer France iyo kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa fursad qaali ah oo uu ku laaday shabaqa Nigeria waxaa kasoo saaray Victor Moses ciyaarta ayaa u muuqatay mid u gudbi doonta waqtiga dheeriga ah.
ugu danbeyn xidiga khadka dhexe kooxda Juventus iyo xulka qaranka France Paul Pogba ayaa dhaliyey goolkii ugu horeeyay ciyaarta isagoo kubad Korner ahayd madaxeeyay ka hor intaanu goolka labaad iska dhalin difaaca Nigeria ee Yobo.
France ayaa wareega 8-da Germany ama Algeria midkood la ciyaari doonta waxaana la odhan karaa France sanadkan rajo fiican ayay ku leedahay Inay ku guuleystato koobkan.
Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com
France Oo Ka Degtay Wareega 8-da Iyo Nigeria Oo Ka Hadhay Koobka Aduunka +Germany Iyo France Oo Sii Watay Socdaalkoodii+Sawiro
Iyo Afrika Oo Wacdaro Kadib Laga Sifeeyay Brazil