Imtixaanka Aan La Dhicin Ee Dugsiyada Sare,Qalinkii: Mustafe Abdirahman Habane

0
Tuesday July 01, 2014 - 15:32:07 in by Super Admin
  • Visits: 1866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imtixaanka Aan La Dhicin Ee Dugsiyada Sare,Qalinkii: Mustafe Abdirahman Habane

    Qallinka umaan qaadan inaan cid amaano ama aan cid dhaleeceyo laakin waxa aan u haleelay in awood siiyo cidii ummadda JSL wax u qabankarta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qallinka umaan qaadan inaan cid amaano ama aan cid dhaleeceyo laakin waxa aan u haleelay in awood siiyo cidii ummadda JSL wax u qabankarta,

Sababto ah khayraadku dadka wuxuu siyaa awood, khayraadkana waxaa kamida " information source” oo uu ugu horeeyo khayraadka  qallinka.

 


Imtixaan waa kalmad naxdinbadan, waa’ayo waxay dadka kala doorsiisaa laba marxaladood oo aad iyo aad kula duwan oo kal ah guul iyo guuldaro, haddayna macnah lahayn may lahaateen naxdinta iyo farxad ay natiijadeedu ku dhamaato. Aan is waydiino maxaa imtixaan loo qaadah? Imtixaan waxaa loo qaadah in la hubiyo aqoonta ardaygu uu xambaarsanyahay intay lee’egtahay lana qiimeeyo waxbarashadiisa.

Imtixaanka wuxuu dhalaa in la helo arday tacliintooda lagu kalsoonyahay oo bulshada anfi-karta, sidda dhamaan adduunku isku raacsanyahay imtixaanku wuxuu leeyahay min-qiyaas kala xadeeya shaqsiga baasa iyo ka dhaca iyadoo lagu saleeyo wixii ka badan 50% baasid, wixii ka hooseeyana dhicid. Haddaba waxa ayaandaro ah in hogaanka xafiiska imtixaanadka qaranka JSL uu ka baydho wadiiqada adduunwaynuhu maro ee loo qaabeyo imtixaanada, iyadoo hogaanka imtixaanadku  waraysi uu siiyay idaacada Hargeisa uu ku sheegay in xafiiska imtixaanadku uu u dejiyay siyaasad layidhaa "yaanu ardayba dhicin, ka dhacan D- baa loo dhejin”.

Siyaasadin sidaa ay tahay ayaa loo hirgaliyay wixii ka dambeeyay 2010 kii laakin saamantay samaysay lama eegin  in ay tahay mid togan iyo tabanba, balse waxaana cidna daah ka saarnayn in ardaydu intooda badani waxba aanay akhrin oo ay  ku odhanayaan ma kolaan dhacayaa D- imtixaanadka waan iska helayaaye, siyaasadin waxay kale oo saamayn wayn ku keentay ardayda dugsiyada sare ee dowliga oo sanadadan u dambeyay aad moodo in looga dhaartay kaalimaha sare.

Ardayda dugsiyada sare ee dowligah ahi waxay imtixaanka qaranaka ka aaminsanyihiin  in uu yahay barnaamij shaqsi wax ku cunayo iyo natiiyo schoolada gaarka loo leeyaay u tartamaan tana waxay horseed u noqonaysaa in public schools ku burburaan, tayadii tacliintuna hoos u dhacado maalinba maalinta ka dambaysa.

"hadday dawo bukooto xagee laga dabiibi”sheekadu sidan maaha dalkani ama qarankani wuxuu leeyahay hogaan guud; madaxwaynuhu waa hogaanka dalka ugu sareeya masuulna isagaa ka ha cadaalad ummadiisa, ee waa inuu hoos u eego maamulada kuraasida xafiista isku iloobay in kabadan 10 sano ee  "psychologically” u haysta meherad ay leeyihiin islamarkaana macaash sharci-daro ah ka raadinaya.

Qalinkii: Mustafe Abdirahman Habane
E-mail: mustafe107@gmail.com
Cell Phone: 063-4404520