Maxaa Aynu Askari u Noqon Weynay? Jawab Daba socota Maqaalki Xusen Kurdi By:Axmed C/risaaq Maxamed

0
Wednesday July 02, 2014 - 07:45:17 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Aynu Askari u Noqon Weynay? Jawab Daba socota Maqaalki Xusen Kurdi By:Axmed C/risaaq Maxamed

    Mowduucan anigu waxaan kaga jawaabayaa Maqaalka ninka la yidhaa Xuseen Kurdi oo ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mowduucan anigu waxaan kaga jawaabayaa Maqaalka ninka la yidhaa Xuseen Kurdi oo ah

 gudoomiyaha wakaaladda wararka ee xukuumadda siilaanyo,xuseen wuxuu duray suxufiyiinta da’da yare e xiliyadan danbe soo galaysa mihnadda saxaafadda,wuxuu ku sifeeyey in aysan lahayn saddex arimood oo kala ah

 

 


1: hibo eebe la’aan

2: aqoon la’aan

3: waayo-aragnimo la’aan

Xuseen wuxuu ilaabay hibadda eebbe in ilahay cida uu doono siiyo,oo uusan siin oo kaliya suxufiyiintii hore oo kaliya,hadalka xuseen wuxuu u dhandhamayaa suxufiyiintii hore ayuunbuu ilahay hibo eebbe siiyey ee kuwan danbe ma siin,xuseenow xusuusnow waxa laga yabaa suxufi yar oo hada soo galay saxaafaddu in uu ka wanaagsan yahay qaar waaweyn oo shaqadoodii ilaa 30 sanno dhaafi weyday sheekada ah waxaanu ka soo shaqeyn jirnay idaacadii radio mugdisho iyo radio hargeysa, iyo weliba kuwa waaweyn ee ilaa hada idaacadii radio hargeysa ee laga yaabo in ay shaqada ka bilaabeen mudo laga jooga 30 hor inay ilaa hada joogaan oo aysan dhinacna u dhaafin

2: qodobka labaad wuxuu xuseen kurdi sheegay in aqoon la’aan ay jirto ,aqoontu maaha wax weel lagu shubto oo qofku marka uu doono cabo, ee waa wax ku yimaada dadaal iyo karti uu qofku la yimaado,maxaa diidaya hadii suxufi cusubi maanta ku soo biiro saxaafadda oo uu mihnadeeda barto ,Xuseen ma waxaad ka baqaysa in uu kuugu yimaado wakaaladda wararka ee dhawaanta laguu magacaabay oo uu ka aqoon badto oo uu halkaasi kaaga qaado shaqada,aqoonta ilahay ayaa bixiya oo qofka ku manaysta,wax diidayaa ma jirto in da’yarta doonaysa oo hobigoodu yahay inay noqdaan suxufiyiin inay ku soo biiraan oo ay dalka wax ku soo kordhiyaan, ma jiro wax diidayaa,waana horumar dadka iyo dalkaba u soo kordhay.

3: arinta sadexaad ee uu ka hadlay xuseen kurdi wuxuu yidhi waayo-aragnimo la’aan haysata suxufiyiinta da’da yare e ku soo biiraysa saxaafadda,waxaan u malaynayaa inaad adigu u jeedid idaacadda hargeysa ayaysan ka hadal xiliyadii siyaad barre, oo hada da’doodu ma waaweyna ,waayo marka horeba qofna kumu soo dhalan isagoo ah waayo-arag balse xaaladda iyo duruufaha uu ku nool yahay ayaa bara waayo-aragnimada,oo hadba inta iyo inta meelood ee uu ka shaqeeyey isla markaana ku shaqeeyey ayaa keenaysa waayo-aragnimada qofka, ilahay ayaa quraankiisa ku yidhi dadyahow socda oo dhulka mara waayo aragnimo ayaad ka kororsanaysaane, marka siyoobo badan ayuu qofku waayo-arag u noqon karaa ,laakiin maaha idaacadda hargeysa ayuusan soo marin.

Xuseen waxaan xusuusinayaa hadii uu doonayo in uu ka hadlo caqabadaha haysta saxaafadda Somaliland ,inay ka kaw tahay xukuumadda siilaanyo oo u diiday saxaafadii inay furtaan idaacado,wargeysyo iyo telefiishano,taasi ayaa caqabada ugu weyn ku ah saxaafadda dalkeena ,waana wax laga xumaado in xukuumadda siilaanyo noqoto caqabadda ugu weyn ee saxaafadda Somaliland.

Xuseen waxaan leeyahay la yaab ma lihid oo waxaad ku ag carbisantay xukuumaddii kacaanka oo sidii wax kasta loo lahaa kacaanka ayaa ina maqlaya ,ayaanad u sheegi kari xaqa iyo dariiqa saxda ah ee saxaafadda iyo tacadiga xukuumadu ku hayso saxaafadda.

Ugu danbayn waxaan ku soo jeedin lahaa nin weyn ayaad tahay ee ha is odhan xilka xukuumadda siilaanyo ku magacaawday ku difaac xukuumadda siilaanyo oo dhaleecee saxaafadda da’yarta ah oo ku soo biiraysa saxaafadda ,adigii ku soo dhaweyn lahaa saxaadda saxaaafdda suxufiyiinta cusub ayaa sidaasi u hadlaya,inkasta oo la ogaaday in sida adiga oo kale suxufiyiintii hore oo shaqadoodu tahay cunista qaadku ay neceb yihiin suxufiyiinta cusub kadib markii ay ka aqoon bateen,oo maanta aduunyahadii ooh al tuulo oo waxay suxufiyinta maantu awoodaan iyagoo jooga hargeysa inay jaamacado dinadda ah ka baxaan ,marka miyayna ka aqoon badneyn?



By:Axmed C/risaaq Maxamed

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland



*******************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadiisa xushmadeeda iyo xilkeedaba leh