horta dawlada uu hogamiyo axmed siilaanyo mid baan leeyahay mucaaradkana mid baanleeyahay saxaafadana mid baan leeyahay

0
Wednesday July 02, 2014 - 13:05:40 in by Super Admin
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    horta dawlada uu hogamiyo axmed siilaanyo mid baan leeyahay mucaaradkana mid baanleeyahay saxaafadana mid baan leeyahay

    BISMILAAHI ARAXMAANI ARAXIIM,ALXAMDULILAAHI RABUL CAALAMIIN.MARKA HORE WAXAAN SALAAMAYAA SAXAAFADA SOMALILAND IYO DHAMAAN SHACABKA SOMALILAND DIBAD IYO GUDOBA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ARAXMAANI ARAXIIM,ALXAMDULILAAHI RABUL CAALAMIIN.MARKA HORE WAXAAN SALAAMAYAA SAXAAFADA SOMALILAND IYO DHAMAAN SHACABKA SOMALILAND DIBAD IYO GUDOBA
Marlabaadka waxaan doonayaa inaan ka hadlo waxyaalahan isku cayn iyo bayd go,an ee mid waliba uu sax isagu yahay waa xuukumada haday tahay iyo mucaaradka iyo saxaafad laxidhay iyo waxyaalo kale.

Dadku xaqiiq buu doonayaa xaqiiqdaana wacan in la isu sheego cida wax ka xumaanayaana waa dhamaanteen ee maaha cid gaara,wadankana waaloo soo wada tabcay oo loo soo wada samray oo ladoonayay in midhihiisa lawada cuno laakiin haday noqoto car iyo car waxba ma hagaagayaan.

horta dawlada uu hogamiyo axmed siilaanyo mid baan leeyahay mucaaradkana mid baanleeyahay saxaafadana mid baan leeyahay .

1-dawlada siilaanyo waxaan leeyahay horta madaxweyne mudo badanbaa dad badani hadal hayay wax yaalo marka dhinac laga eego aan wax macno ah samaynayn marka dhinac laga eegona noqonaysa adaa buuqa samaysta hadana diida bulaankasida tusaale ahaan wiil ka layidhi sodogbaad u tahay ee laleeyahay madaxtooyaduu ku wareegayaa uun run marka ladoonayo madaxtooyadu maaha meel gaar kuu ah ee waa madaxtooyadii umada mana aha in shacabkii uu kuu arko inan aan xilhayni inuu gurtay xoolihii umada ama lagugu eedeeyo anigu odhanmaayo waxbuu gurtay ama waxbaa loo qaraabo kiilay laakiin maaha inuu madaxtooyada ku wareego oo lagu eedeeyoba marka horeba waa la,isa soo booqdaa laakiin waa in uu shaqadiisa iyo qoyskiisa ku ee kaadaa oo arimaha dawlada faraha kala baxaa oo aanu ku milmin madaxtooyada iyo shaqadeeda. takale wasiiradaada kii wax lagu eedeeyo hadii ay ku cadaato ha u aabe yeelin ee kasoo hungaaci xoolaha umada ee adiga shacabku kugu aaminay waxaad haysaa amaano mana aha in lagugu eedeeyo amaanadii buu dayacay cidna ha u hamran cidna dulmi yaanay kaa tirsan arin walba sidiisa u abaar adigoo ilaahay la kaashanaya.

2-Saxaafada oo ah ta bulshada u dhaxaysa ee warka u kala gudbisa iyaduna haday noqoto ujeedo badan dee waa lagu lumayaa ee yaanay isu arki gaalo ee waa inay waxay sheegayaan waafajiyaan dhaqankeena hadii sharcigeena ay ku taalo waxii diinta islaamka kasoo horjeedaa waa waxba kama jiraan oo markaa sharciga saxaafada ay ku taalo qofkasta waa la ceebaynkaraa bilaa sabab dee markaa kaasi sharciba maaha waxaan leeyahay saxaafada bal wasiir ha ahaado ama mid odaygu sodog u yahay ha ahaadee bal markaad heshaan wax xoolihii umada cunay intaad si wacan usoo duubtaan oo documents ka soo ururisaan marka hore cidkastoo ay khusayso u geeya markaa kabacdi shacbka usoo bandhiga bal in shacabku idin raaci waayo hantida umada waa loo baahan yahay in lawada ilaashado sodog iyo seedi toona malaha ee waa hanti umadeed cidii ku xad gudubtana waa in laga soo hungaaciyaa ileen xoolihii reerkooda maahe dadkoo dhan bay ka dhexeeyaane markaa saxaafadu waa inay noqotaa mid wax walba iska hubsatay.3-Xisbiyada mucaaradka ah waxaan leeyahay idinka laftiinu sidaad wax u wadaan ayaa shacabku eegayaa indha indhaynayaa markaa yaan la idiin arki oo runa in aad wax xumaynaysaan ee wixii aad sheegaysaan hubiya oo xaqiijiya, waa run oo waa loo baahan yahay in la,istoosiyo oo wadada la isku ilaaliyo inuu baydhay iyo in kale laakiin yay arintu noqon ku xumee iyo masaabiir iyo qodxan u dhig ee waa inay noqotaa mid xaqiiqda iyo runta ku salaysan oo danta guud lawada ilaashanayo oo lawada leeyahay oo tudhaale kujiro oo lexejeclo ku jirto oo walaaltinimo ku jirto.




Ali jama

**********************************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadiisa xushmadeeda iyo xilkeedaba leh