Maxaynu Askar u Noqon Weynay? Iyo Jawaabtii Mustafe Teacher

0
Wednesday July 02, 2014 - 13:13:35 in by Super Admin
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaynu Askar u Noqon Weynay? Iyo Jawaabtii Mustafe Teacher

    Suxufinamadii waxay Noqotay Wax habeenkii lagu riyoodo oo Subixi la fuliyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxufinamadii waxay Noqotay Wax habeenkii lagu riyoodo oo Subixi la fuliyo


Waa Wiil aad u Da’yar sido kale waa Gabadh yar oo aan weli qaangaadhiin, Waa isku Iskuul wana Deris oo Labadooda Aqal ayaa isku xiga, geed dheer iyo mid gaaban ba waxay u fuuleen inay mar uun shaashad iska daawadaan ama idacad codkooda laga maqlo, amaba jariirad laga akhriyo ugu yaraan warbixin 10 layn ka kooban oo ay ka qoreen xaflad iskuulkoodu dhigtay ama ay ka qaybgaleen.


Markaan Qiyaasay Wiilka iyo Gabadha ba Da’ ahaan waxan ku qiyaasay inanta 12 jir Wiilkana 14 jir, midna ma qaan gaadhin, lakin waxay arkeen Suxufiyiin la maamuusayo, cid walba taqaano, sidoo kalena fadhiga looga kacayo, walaaladooda ka waaweyn iyo aabahood ba waxa ay inta badan ammaanaan weriyaasha dhalinyarada ah ee Magaalada jooga ama ay had iyo jeer barnaamijyadoda iyo wararkooda ka mabsuudaan xoogna u dhegaystaan, waxay inta badan jecel yihiin inay ka sheekeeyaan weriyaasha magaca iyo sumcada leh, weriyasha codkooda iyo odhaahdoodu bulshada soo jiidato,weriyaasha dadku inta badan hadal hayaan, Dareenadaasi waxay soo jiiteen Maankii iyo maskaxdii Wiilkaasi iyo gabadhaasi yar, waxayna maskaxdooda ogolaysiiyeen iskuna qanciyeen inay weriye noqdaan, iyagoo isu tusaya in berri ba iyaga la hadal hayn doono, la ammaani doono, meel walbana ay geli karaan, masuliyiin iyo dadka mudan ta ahna ay is baran karaan , hor fadhiisan karaan, saacad kasta u tegi karaan, la sheekaysan karaan, lana noqon karaan sxb dhow, balse waxay ogyihiin oo maqlaan inta badan iyagoo la habaarayo ama laga baqayo askarta, waxay u yaqaanan Dad dhib u samaysan oo Dadka lagu cabsi geliyo, waxay ku arkaan Jeelasha iyo Saldhigyada, waxay arkaan iyadoo laga dacwaynayo qof qof ku khaldamay ama ay is haystaan,halka ay suxufiga mar walba arkaan in loogu yeedho oo ay si dhib yar ku galaan Xaflado iyo Goobo Dadka intooda badani bannaanka ka joogaan oo anay Geli Karin, wuxu dabeto mid walba gaarkiisa isu yidhi Maad Weriye Noqotid, si waxyaabahas oo dhami kuugu suuro galaan, waana ta keentay in ay askariga ka khashaaafaan balse weriyo nimo ay qaataan, Hadaba waxyaabahaas oo dhan way hir geliyeen , wayna u suuro gashay markay dedaal badan la yimaadeen waalidkood na ka codsadeen in Camera loo iibiyo, hablaha inta badan xishood baa reeba, iyadoo yar oo hadana xiise weyn u qabta mihnaddan higsigeeduna yahay hablaha saxaafadda ku caanbaxay , ayaanay mar na ku fekerin ka hadh hawshan, waxay muujisay indho adayg xad dhaaf ah, mararka qaar iyadaaba xafladaha Ragga ka dhinac duubata, waxad wakhtiyada qaar arkaysa iyadoo 9 Sawir qaade (Camer man) iyo iyada oo keliya oo Goob wax ka wada duubaya, malaha wiilashii wax u duubi lahaa oo dhan baa diiday, mise Tolow sidan ayay ba Derejo moodaysaa? Su’aalahaas aya markiiba qofka arka maskaxdiisa ku soo dhacaya, had iyo jeer way ka qaybgashaa xafladaha magaala ka dhacaya, meel ay ka shaqayso lama yaqaan,marka se la waydiiyo halka ay ka socoto waxay iska sheegata meel uun weliba inta badan Tv yada, mararka qaar waxa ku dhacda iyadoo weriyihii Tvga ay sheganaysa maqlayo balse anay iyadu garanayn ay sheegato Tvgiisa iyado leh " waxan ka socdaa Tv hebel” wiilkii ba yaaba oo soo eega, asxaabtiisa ka ag dhow bu la yar xantaa, wax uu sameeyo ma garanayo oo waa dumar weliba wuxu u arkaa Caruur, wuxu sugaa inta la gaadhayo wakhtiga loo ballamayo Shuruurka yar (Qabaxda) la siiyo saxaafadda Qaar iyo bal waxay samayso, markaas iyadu iskuma hawsho inay xaggas u kacdo, oo markay xafladdu dhamaato ba illinka ayay boobta, waxay soo qaadata, Camera iyo Note Book iyo qalin, dadku way is weydinayaan inanta yar ee intan leeg maxaa waalay ama kellifay may wax iska dhigato, dadka waxay ugu necebtahay qofka yidhaa "adeer wax dhigo oo iska daa waxan” iminka wa suxufiyad qof kasta oo masuul ah ama saxafadda ku jira way is bartaa, u malayn malayn mayo suxufi ama masuul aanay is garanayn inu jiro haduu jiro na wu yar yahay, sida innamada suxufiyinta ah loo qabilo si ka duwan ba loo so dhoweya loona maamuusa, waxay isu taqaan Sarkaalad ka socota Hay’ad Caalami ah ama Qof magac weyn iyo maamus ba ku dhex leh Bulshada,Aqoonyahanad Talax Tagtay, Qof ag joogeeda iyo la hadalkeeda dad badani u arki karaan Derejo la Gaadho IWM, Balse guushaasi ay isa siisay waxay gaadhay maalintii ay iskuulkeeda ka baxday ee ay u soo hollatay dhinacan saxaafadda, Dhowrkii Sanno ee hore wixii ay dugsiga hoose ka baratay waxa u dheer Waxooga Englisha ah oo ay Bawsatay, iyo Sheekooyin saxaafada ku salaysan oo warbaahintu marka ay kulamo isugu yimadaan ama meelo ku kulmaan lagu shekaysto, sida anshaxa, xeerka iyo sharciga saxaafada oo qaar ba dhinac u qaadan oo la yidhaa, waxasu qofkaasi sameyey oo anshaxa saxafadda kuma jirto iyo hebel ba la xidhay oo sharci darro lagu xidhay, iyo weliba qofkaasi xeerka iyo sharciga saxaafaduu ku gafay, waxayna inta badan hablaha saxafadda ku jira kula doodaa qodobo aanay waxba ka garanayn.


Inankii hadaynu u so noqono wuxu la shaqeeyey markiiba web ka mid ah kuwaas qurbajoogu leyihin, shuruuda lagu xidhay wa inu haysto camera keliya, sawirada iyo qoraal yarna soo dir uunba la yidhi, wuxu subixi la kallahay Cameradaas, wuxu telefoonada Garaacaa dhowr weriye oo la mid ah oo xeeladda uu ku soo galay uun kuso galay shaqada, isagu iminka wu ku tashkiiliyaa (Ku booriyaa) dhalinyarada khayrkii ah inay soo galaan saxaafadda, wuxu inta badan ka sheekeyaa kelmad dhex martay Masuul, sida Wasiir, Badhasab, Maayar ama Xildhibaan, isagoo u qaadan la’ inta uu leegyahay iyo sida uu Masuulkaasi ula kaftamay ama ula hadlay Wuxu u haystaa Derejo uu gaadhay, Dadku kulama yaabaan Shaqada suxufinimo ee uu hayo isagoo yar weli, balse askari yar marka la arko markiiba yaryarka ay is leegyihiin ayaa ku dhego hadla mararka qaarna laba dagaalama " alla bal kan yaree askariga ah eeg, aar waxan daawo qoriga iska so qaatay, aar bal ha la dhicin iyo ereyo kale” ayaa dhegigiisa ka bata,isba wuu ogyahay inaan la jeclayn askari iyo wixii lamida, wu la socda cida had iyo jeer dadku hadal hayaan ee qalinkooda iyo odhaahdoodu xanuujiso Masuulka Dalka ugu sareeya iyo kan ugu hooseya, wu ogyahay qofka uu maalin wax wanaagsan ka qora sidu u soo dhoweynayo iyo dhaqaalaha uu ku helayo iyo gunnooyin loo samaynayo, isagu maaha dadka ay shaqo la’aantu hayso, 2 sanno kadib ba kii yaa ee ad taqaanay maha, wuxu bedelay asxaabtiisii ay isku filka ahaayeen oo iminka wuxu yeeshay asxaab u badan Qamaamuurta ama raga waaweyn ee saxaafadda, marku iskulka ka yimado kubad bu la so ciyaari jirey ama suuqa ayay ka soo wada xaraabaysan jireen isaga I yo saaxiibadii lakin iminka wuxu fadhiista hotelada iyo makhaayadaha lagu kulmo ee caanka ah, sheekooyin siyaasadeed iyo waxyabo xalay tvga laga so daayey ama saka jaraidada iyo website yada ku qornaa ba lagu falanqeeya, waayo aragnimada ugu badan iyo aqoonta halka uu ka helaa waa halkaas, wuxu isu yaqaana in halkan uu fadhiyaa ay tahay Derejo la gaadho, Qalabka uu ku shaqo tago, iyo xafladaha uu ka qaybgalo ee anay in badan oo asxaabtiisa ahi ka qaybgeli Karin na tahay derejo kale, asxaabtiisi uu ka hadhay wuxu u haystaa inu dhaafay oo ay ka hooseeyaan derejo ahaan, iyagu se waxbarashadii uu iskaga tegey oo uu Camerada iyo Makhaayad fadhiisiga ka doortay way sii wadaan, dhowr sanno kadib ba wuxu arkay iyago Jaamiciyiin ah, shaqada uu ku jiro ayaa hadana tustay inu isba jaamici yahay, mihnadda lafteeda ayaa marku soo gelayey aanu arkeynin inaanay lahayn wax shardi ah ama shuruuc ah oo qabanaya haddii uu soo galo, waana ta keentay inu si fudud u soo galo mihnadda, 


hadaba waxan maqaalkan ku so Koobi lahaa Jawaabta Maqaalka Cinwaankiisu yahay Maxaynu Askari u noqon waynay? Waxan leeyahay Sharci la’aanta iyo shuruud la’anta Saxaafadda ayaa Saldhig u ah Soo gelitaanka Saxaafadda , Maamuuska iyo Mudnaanta la siiyo Suxufiguna waa Hammiga koowaad ee Qofkasta oo Bini aadam ah, Halka Askariga Shaqooyinkiisu yihiin kuwo cabsi badan ku jirto oo an hanka inagu abuuran inagu hogaamin karayn, sharciga iyo shuruudaha soogelitaankiisuna anay fududayn.







Doodu way furantahay


Wabilaahi Tawfiiq


Weriye Mustafe Teacher

Burco / Somaliland

Mustafeteacher@hotmail.com