Maxaa aynu Askari U Noqon Waynay?Jawaab SHaafici Maxamed Ibraahim

0
Thursday July 03, 2014 - 12:31:12 in by
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa aynu Askari U Noqon Waynay?Jawaab SHaafici Maxamed Ibraahim

    Waa Suaal Tab Iyo Xeelad U Baahan Iyo Waliba Ka Baaraan Deg (Ka Fiirsasho) waxa ay ku tacaluqdaa meel maal mahan socodku ku badanyahay waxay la fal gashay waayahay iyo wakhtiga haatan la joogo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Suaal Tab Iyo Xeelad U Baahan Iyo Waliba Ka Baaraan Deg (Ka Fiirsasho) waxa ay ku tacaluqdaa meel maal mahan socodku ku badanyahay waxay la fal gashay waayahay iyo wakhtiga haatan la joogo

waxay u Baahntahay Fikir Dheer Iyo Qorshayaal Deg Deg Ah.

Waan Maqalay Inay SHuruuc I Xidhaaya Leedahay Lakiin Uma Joojin,Waan Ogahay Inay Seef Laba Af Leh Tahay Anigana Taan Doono Waan U Adeegsadaa,Ma Eego Maxaa Bulshada Dan U Ah Iyo Maxaanay Doonayan Maxaase Ay Diidayaan,Waxaan Eegaa Oo Kaliya Maxaa Ii Dan Ah,Ma Jirto Sharci Aan Ka Xishoonaayo waxaana Mar Marka Qaar Lay DHigaa Jeelka Kama Cabsado Waayo Waxaan Ogahay In Lay Hadlaayo Oo Aanan Muddo jeelka Ku Jirayn, hadii La Ii Xidho Ma Aqaan Adaa Khaladan Ee Mar Walba Waxaan Aaminsanahay Waa Lagaa Khaldanyahay Iyo Waliba In Lay cabudhinaayo.

Kuwii Igaga Soo Horeeyey Ee Wax Ka Yaqaanay Imaysan Toosin Maalinta Ay Wax Ii Sheegaanna Maba Qaato Waxaan Isu haystaa Inaan Iyaga Ka Sax Sanahay.

In Kastoo Uu Wakhtigu Halkaa Dhigay Waxa Ay Tahay Mihnad Qiimaheeda Leh,Waxaana AY Waayo AHayd Mid Wakhti Badan Loo Huro,Ayadoona Sanaddo Faro_badan Qaadan Jirtay Sidii Losoo Dhex Gali Lahaa Ama Lagu Shaqaysan Lahaa,Isagoona Qofka Soo DHex Galaa Uu Ilaalin Jiray Qaanuunka Iyo SHuruucda U Taal Shaqadaasi.

Xaaladu Haatan Waa Mid Murugsan Waxaana La Wada Qaatay Kaamerad,Rikoodh Iyo Mikirifoon Waxaana Hadii Aad U Fiirsato Goobaha Aad Imanayso Isugu Soo Galaysan Wadar Wada Rikoodh Iyo Camerad Sita Oo Buuxiyey Fagaarihii Bulshada Looga Khudbadayn Lahaa Waxa Ayna Dhamaantood Sheeganayaan Mihnadaas Hadii Aad SIi Waraysato Waxaabad Ogaanaysaa Inaanay Qaarkood Meelba U Shaqaynin Balse Ay Ka Heleen Oo Kaliya Bulshadaa Ay Hortaagan Yihiin.

Wakhti Wakhtiyada Ka Mid Oo Aan Baranaynaya Saxaafadda AYaa Waxaa Nala Waydiiyey Sababta Aan U Baranayno Mihnadan Waxaana Uu Qof Waliba Sheegay Asbaabihiisa Mid Ka Mid AH Ardaydii Aanu Wakhtigaasi wada Dhiganaynay Ayaa Waxa Uu Yidhi "Aniga Sababta Ugu Wayn Ee Aan U Baranayaa Waxa AY Tahay INaan Kameradaha Isu DHigo Oo Marba Meel Isku Sawiroā€¯ Inabadan Ayaan Qosolay Waxaana Aan Islahaa Waa Fikir Khaldan Lakiin Hadda Ayay Maraysaa Waxaana Aan Soo Xasuustay Maalintii Su_aashaa Nala Waydiiyey.

Cumar Seerbiya Waxaa Laga Hayaa Hadii Uu Askarigii Saxafi Noqday Inana Maxaan Askari U Noqonwaynay?.... Waxaan Qabaa Inagu Inta Aan Askari Ku Noqonaynaa Waxa Ay Qaadanaysaa Sanado,Maba Aha Intaan Kala Baranayno Janan Iyo Janaraal Halka AY Isaga Laba Casho Ku Qaadatay Waayo Ma Jirto Cid wax O DHanaysaa Ama SHarci Waydiinaysa .

Dooduna Waa Furantahay.

SHaafici Maxamed Ibraahiim

shaaficimaxamed@gmail.com