Wasiir Ku Xigeenka Ciyaaraha Oo Faah Faahiyey Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Ka Socda Caasimada Hargeysa

0
Monday March 06, 2017 - 16:22:39 in by salman abdi
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku Xigeenka Ciyaaraha Oo Faah Faahiyey Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Ka Socda Caasimada Hargeysa

    Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa ka hadlay Tartamada kubadda Kolayga iyo Kubada Cagta ee socda, iyo Tartankii orodka ee dhammaaday, waxaanu sheegay inay horumarka Ciyaaraha iyo dhiirigelinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, ayaa ka hadlay Tartamada kubadda Kolayga iyo Kubada Cagta ee socda, iyo Tartankii orodka ee dhammaaday, waxaanu sheegay inay horumarka Ciyaaraha iyo dhiirigelinta Dhalinyaradu yihiin hamiga iyo Siyaasadda Madaxweynaha, dadaalkoodiina ay wadaan Wasaarad ahaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay tartamada ay wadaan waxa uu yidhi "Waxa socda oo aanu qabanay Tartano, tartamadaasi waxay iskugu jiraan kubada cagta, kubada kolayga iyo waliba ciyaaraha fudud, waxaanu tartan u qabanay kooxaha kubada cagta heerka kowaad ee caasimadda, iyo kooxaha kubada kolayga ee heerka labaad, waxa sidoo kale aanu qabanay tartanka orodka ama ciyaaraha fudud oo aanu u qabanay orodyahanada dalka, tartankaasina uu dhammaaday, balse labada tartan ee kale wali wey socdaan, waxaana tartankan qayb ka ah oo aanu uga mahadnaqaynaa Hay’adda Marcycrops, waxaana mar walba hadafkaygu yahay in aanu horumar balaadhan ku sameeyno Ciyaaraha oo qabano tartano, ujeedada tartamadana loo qabtayna waxa weeye la dagaalka tahriibka, qabyaalada iyo is dhexgalka dhalinyarada”.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi "Horumarka Ciyaaraha iyo Dhiirigelinta Dhalinyaradu waa Siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Wasaarad ahaana dadaalkoodii waanu wadnaa waxaana xaqiiqo ah inuu Madaxweynuhu rumeeyey riyooyin badan oo ay dhalinyaradu lahayd, waxa dhab ah inuu Madaxweynuhu horumarka Ciyaaraha dalka uu hormood ka yahay, sababtoo ah waxa tusaale cad inoogu filan in maanta Xukuumadda dhammaan Gobolada oo dhan gaar ahaan Magaalooyinka waaweyn ay garoomadii dhigtay Roog, sidoo kale waxa xusid mudan in Miisaaniyadda Sannadkan uu kharash ugu jiro Ciyaaraha iyo Garoomada, markaas mar walba Xukuumadani waxay heelan u tahay horumarka ciyaaraha iyo dhiirigelinta dhalinyarada dalka”.