FADEEXAD: Bayern Munich Oo Markale Fadeexad Kubbadeed Soo Baday Arsenal, Gunners Oo Xili Ciyaareedkii Todobaad Oo Xidhiidh Ah Lagu Reebay Wareega 16ka UCL, Arturo Vidal Oo Laba Gool Dhaliyay.

0
Wednesday March 08, 2017 - 09:05:39 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FADEEXAD: Bayern Munich Oo Markale Fadeexad Kubbadeed Soo Baday Arsenal, Gunners Oo Xili Ciyaareedkii Todobaad Oo Xidhiidh Ah Lagu Reebay Wareega 16ka UCL, Arturo Vidal Oo Laba Gool Dhaliyay.

    Bayern Munich ayaa markale ceeb wayn soo baday kooxda Arsenal waxayna Emirates Stadium guul ugu soo gaadhay isla natiijadii kulankii Allianz Arena taas oo la micno ah in Bayern Munich ay labadii kulan ee Champions leaque-ga 10 gool ka dhaliyay Arsena

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayern Munich ayaa markale ceeb wayn soo baday kooxda Arsenal waxayna Emirates Stadium guul ugu soo gaadhay isla natiijadii kulankii Allianz Arena taas oo la micno ah in Bayern Munich ay labadii kulan ee Champions leaque-ga 10 gool ka dhaliyay Arsenal oo waji gabax aan cusub jamaahiirteeda kua hor kulantay. Inkasta oo ay Arsenal gool ku hormartay qaybtii hore ee kulankan, haddana qaybtii danbe ayay Bayern Munich shan gool ugu badashay iyada oo Arturo Vidal uu laba gool dhaliyay.

Laurent Koscielny oo kaadhka cas qaatay isla markaana rekoodhe sii galay ayaa xalaada Arsenal ka dhigay mid murugadeedu laba jibaarantay. Jamaahiirta Arsenal oo intii aanu kulankani bilaamin ku mudaharaadayay banaanka Emirates Stadium ayaa hadda helay wax ay kooxdoodu ku qanci karto. Arsenal ayaa xili ciyaareedkii todobaad oo xidhiidh ah Champions Leaque-ga kaga hadhay wareega 16 ka kooxood.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Arsenal (4-2-3-1): Ospina; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Ramsey, Xhaka; Walcott, Oxlade-Chamberlain, Welbeck; Sanchez.

Kaydka:Gibbs, Gabriel, Lucas Perez, Ozil, Giroud, Cech, Coquelin.

Bayern (4-2-3-1): Neuer; Rafinha, Martinez, Hummels, Alaba; Alonso, Vidal; Robben, Thiago, Ribery; Lewandowski.

Kaydka: Douglas Costa, Bernat, Muller, Ulreich, Coman, Kimmich, Renato Sanches.

Arsenal ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay fuliso mishan u muuqday mid aan suurtogal ahayn iyada oo doonaysay in ay dhinaca kale u dhigto natiijadii 5:1 ahayd ee ay Bayern Munich kagla soo kulantay kulankii Allianz Arena. Arsene Wenger ayaa kulankan u soo xushay shax aad u fiican oo rajo galisay dadka aaminsanaa in ay kooxdoodu soo laaban karto.

DAQIIQADII 13 AAD Arsenal ayaa heshay fursadii ugu horaysay ee ugu fiicnayd waxaana kubbada kula soo baxay goolka Bayern Munich Theo Walcott oo ka mid ahaa xidigihii kulankan isku muujiyay laakiin goolhayaha aduunka ugu fiican ee Manuel Neuer ayaa awooday in uu si deg deg ah u soo baxo si uu halista iskaga badbaadiyo waxayna ahayd fursad halis wayn lahayd.

Bayern Munich ayaa bilawgii ciyaartaba u muuqatay mid aan inta badan doonayn in ay weeraro badan qaado laakiin waxay doonaysay sidii ay kubbada u ilaashan lahayd. Gunners ayaa dardar xoogan ciyaarta ku cadaadinaysay taas oo keenaysay in Bayern Munich ay kubbad marar badan lumiso.Olivier Giroud ayaa sidoo kale Gunners ka lumiyay fursad uu ku dhalin kari lahaa gool madax ah.

DAQIIQADII 20 AAD GOOOOOOOOL!! Arsenal ayaa ka midho dhalisay dadaalkii waynaa ee ay ku doonaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd waxaana gool qurux badan oo uu si fiican u dhamaystiray Gunners u saxiixay Theo Walcott oo caawin ka helayOlivier Giroud, laakiin goolhaye Manuel Nueur ayaa filayay in maadaama uu Walcott xalag adag in gool laga dhaliyo uu joogay in uu kubbada difaaca soo daba marinayo laakiin waxa uu ku war helay darbo xoogan oo goolkiisa galaysa taas oo awoodi waayay in uu birta sare mariyo waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 35 AAD Arsenal ayaa ku dooday in ay rekoodhe heshay kadib marki uuOxlade-Chamberlain shaqo cajiib ah soo qabtay isla markaana uu kubbada ubixiyay Walcott oo xerada ganaaxa Bayern Munich ku jiray laakiin Alonso ayaa cadaadis saaray Walcott wuxuuna u muuqday mid cagta ka taabtay laakiin garsooraha ayaan xiisayn in uu wax rekoodhe ah tilmaamo.

DAQIIQADII 41 AAD Bayern Munich ayaa heshay fursad layaableh oo ay ugu dhawaatay in ay la timaado goolka barbaraha kadib markii Arjan Robben uu kubbad cajiib ah difaaca Gunners ka dulqaaday ee uu isku saaray Lewandowski iyo David Ospina, laakiin xidiga ree Poland ayaa awoodi waayay in uu kaliya kubbada dhaafiyo Ospina waxayna darbadiisu dhinac martay birta goolka.

Wax kasta oo ay Gunners samaysay iyo dardar kasta oo ay soo bandhigtay qaybtii hore ee kulankan ayay awoodi wayday in ay wax gool kale ah la timaado, laakiin Bayern Munich ayaan qaybtii hore ee kulankan soo bandhigin kubbado weerar badan ah waxayna doonaysay in natiijada ay ilaashato, waxanaa lagu kala nastay 1:0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku hayay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay wax kastaaba isbadaleen waxayna Bayern Munich soo laabtay iyada oo doonaysay in ay ciyaarta hurdada u dirto oo ay weeraro markeeda ku raadiso goolka barbaraha iyada oo markiiba bilawday inay raadiso goolka kaliya ee ayu baahnayd in ay Gunners natijaa kaga jabiso.

DAQIIQADII 54 AAD KAADHKA CAS +REKOODHE!! Hal mar oo kaliya ayaay xalaada Arsenal noqotay mid musiibo isku badashay kadib marki uu Laurent Koscielny daqiiqadii 53 aad qaatay kaadhka digniinta isla markanaa garsooraha ayaa kaahdkii digniinta ahaa u badalay kaadh cas oo toos ah kadib markii uu qalad ku galay Robert Lewandowski oo doonayay in uu Bayern u keeno goolka barbaraha.

DAQIIQADII 55 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Robert Lewandowski kooxdiisa Bayern Munich u keenay goolka barbaraha isaga oo jahada qaldan u diray David Ospina wuxuuna Lewandowsi dhaliyay goolka niyadii Gunners dhulka ku jiiday waxayna Arsenal hal mar la kulantay rekoodhe lagu dhigay, Kadh casaan ah oo la siiyay Koscilny iyo waliba rekoodhihii oo gool loo badalay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 68 AAD waxaa Emirates Stadium ka bilaabtay fadeexadii ugu waynayd waxaan goolka labaad Bayern Munich u saxiixay Arjen Robben kadib markii uu Davi Ospina ku fashilmay in uu si fiican kubbada iskaga saaro waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Bayern Munich dhinaca kale ugu dhigtay goolkii ay Gunners hogaanka ugu haysay qaybtii hore ee kulankan.

DAQIIQADII 78 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL!!Douglas Costa laba daqiiqo ka hor birta u garaacay Arsenal ayaa goolka saddexaad ugu qubeeyay isaga oo caawin ka helay Rafinha wuxuuna goolkan ceeb wayn ku sii noqday Arsenal oo ku hor ciyaaraysay jamaahiirta kooxdeeda ee ay murugada guuldarooyinku dishoodeen taas oo sii laba jibaartay cadhadii ay markii horeba u hayeen Arsene Wenger waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Bayern Munich ku dubanayso Arsenal.

DAQIIQADII 80 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!!! Fadeexada Arsenal lagu waday ayaa halkeeda ka sii socotay waxaana goolka afraad shabaqa Gunners ku hubsaday Arturo Vidal isaga oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda magiciisa ku qoray Xabi Alonso waxayna ciyaarta noqotay 4:1 ay Bayern Munich markale ku xasuuqayso Gunners oo Emirates Stadium joogta.

DAQIIQADII 85 AAD Shan daqiiqo oo kaliya kadib Arturo Vidal ayaa goolkiisa labaad raacsaday kadib markii la waayay meel ay Arsenal garoonka ka joogto waxaana Vidal markan caawiyaha goolkiisa labaad u noqdayDouglas Costa waxayna ciyaartu noqotay 5:1 ay Bayern Munich ku gumaadayso Arsenal, waana natiijo la mid ah natijadii Allinaz Arena ee ay Bayern Munich soo guulaystay.

Wadar ahaan Bayern Munich ayaa labada kulan Arsenal ka dhalisay 10 gool taas oo ah taariikh kale oo mdaw. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay isla natiijadii kulankii Allianz Arena waxayna Arsenal xili ciyaareedkii todobaad oo xidhiidh ah ay ku hadhay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga.