Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka Oo Ingiriiska Kaga Qaybgalay Bandhig ku Wajahnaa Tayaynta Daabacaadda Casriga ah.

0
Wednesday March 08, 2017 - 15:09:09 in by salman abdi
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka Oo Ingiriiska Kaga Qaybgalay Bandhig ku Wajahnaa Tayaynta Daabacaadda Casriga ah.

    Maareeye ku-xigeenka Madbacada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, ayaa magaalada Birmingham ee carriga Ingriiska kaga qayb galay bandhig sannadeed ku saabsan kor u qaadista tayada daabacaadda, bandhigan oo ay iska k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeye ku-xigeenka Madbacada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, ayaa magaalada Birmingham ee carriga Ingriiska kaga qayb galay bandhig sannadeed ku saabsan kor u qaadista tayada daabacaadda, bandhigan oo ay iska kaashadeen midawga Yurub iyo dawladda Ingiirska ayaa ah mid sannadle, iyada oo inta badan ay ka faa'iidaystaan waddamada barwaaqo sooranka ee loo yaqaan Common wealth's.

Maareeya Ku-xigeenka madbacadda qaranka oo magaca Somaliland kaga qayb galay bandhigan ayaa nooga waramay waxyaabaha Somaliland ahaan ay ka soo faa’iideen waxaanu yidhi; "Marka hore ilaahay ayaa mahad leh, marka labaad waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda.Somaliland oo aanu fasaxiisa iyo fursadiisa kaga qayb galnay kulankan. sidoo kale waxa aan u mahad naqayaa Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna nagu dhiiri-galiyey hawshan, waxa kale oo aan u mahad celinayaa Maareeyaha Madbacadda qaranka Siciid Saalax Shire oo isaga la’aantii aanay wax badani noo qabsoomeen, intaa ka dib sida aad la socotaan waxa la soo gabo-gaboobay bandhigii kor u qaadista tayada daabacaadaha (Digital Printing) kaas oo bilaabmay 28 Feb socdayna ilaa 03 March 2017.”

 

"Somaliland ahaan ayaanu uga qayb galnay dadyow tiro badan iyo waddamo tiro badan ayaa ka soo qayb galay hasayeeshee dadka loogu talo-galay inay ka faa’iidaystaan waa waddamada barwaaqo sooranka ee loo yaqaan Common wealth, hawshani waxa nagu garab galay nin la yidhaa John Cruf waxaana ay runtii noo balan qaadeen in ay nagu caawin doonaan qalab casri ah oo qiimo ahaan u dhigma hal milyan oo doolar,”ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan.

Maareeyuhu isaga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; "Arrintani waxa hore uga faa’iidaystay dalal haatan horumarsan oo ay ka mid yihiin wadanka Maleeshiya oo imika tayadiisa daabacaadu ay tahay 100% . halka markii hore ee aanay mashruucan ka faa’iidaysan lagu qiyaasi jiray inay tayadoodu ahay 6%, waad qiyaasi kartaa farqiga u dhexeeya.”

"Waxay arrintani wax wayn ka tari doontaa habka cashuuraheenna oo sare u kici doona iyo guud ahaan heerka xafidnaanta dukumantiga cashuuraha (security features-ka) dawladda Somaliland haddii Alle yidhaahdo ayay wax weyn ka tari doontaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Mareeye Ku-xigeen Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan.