Garsoorahii Hore Spain Andujar Oliver Muxuu Ku Tilmaamay Rigooradii Labaad Ee Loo Dhigay Barcelona?

0
Thursday March 09, 2017 - 12:49:01 in by salman abdi
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorahii Hore Spain Andujar Oliver Muxuu Ku Tilmaamay Rigooradii Labaad Ee Loo Dhigay Barcelona?

    Garsoore hore Andujar Oliver sidoo kalana haatan ah falanqeeye jariiradda MARCA ah ayaa tilmaamay in Barcelona ay nasiib ku laheyd in loo dhigo rigoore taasoo ka caawisay iney soo laabasho aan caadi aheyn sameeyaay habeenkii xalay ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoore hore Andujar Oliver sidoo kalana haatan ah falanqeeye jariiradda MARCA ah ayaa tilmaamay in Barcelona ay nasiib ku laheyd in loo dhigo rigoore taasoo ka caawisay iney soo laabasho aan caadi aheyn sameeyaay habeenkii xalay ahaa

Luis Suarez ayaa lagu riday dhulka markii uu cadaadis yar kala kulmay Marquinhos wuxuuna doonayay inuu ka faa’ideysto kubad uu si aan caadi aheyn u siiyay waqtigii dhimashada Lionel Messi, garsoore Deniz Aytekin ayaana si muran uu ku jiro Barcelona rigoore ugu abaalmariyay wuxuuna kaar jaale ah siiyay daafaca reer Brazil.


Si kastaba Oliver ayaa aaminsan in garsooraha reer Jarmal uu qaatay go’aan qaldan isla markaana xidiga reer Uruguay uu markii horaba u muuqday mid sii dhacaya .

"Ma jirin wax qalad ah oo lagu galay Suarez, Marquinhos wuxuu gacantiisa ayuu saaray balse xidiga reer Uruguay goor hore ayuuba dhacay” ayuu yiri tababarahii hore La Liga.

 

Neymar ayaa gool u badalay rigoorada, wuxuuna ka dhigay 5-5, balse daqiiqadii ugu dambeysay Sergi Roberto ayaa u diray Balaugrana quarter finalka tartanka.