"Lagama Hadlaan" – Jariirada Faransiiska L'Equipe Oo Qiimeyntii Ugu Hooseysay Siiyay Xiddigaha PSG Xilli Guuldaradooda Ay La Meel Dhigeen Tii France Ee 1993.

0
Thursday March 09, 2017 - 13:01:51 in by salman abdi
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Lagama Hadlaan" – Jariirada Faransiiska L'Equipe Oo Qiimeyntii Ugu Hooseysay Siiyay Xiddigaha PSG Xilli Guuldaradooda Ay La Meel Dhigeen Tii France Ee 1993.

    Jariirada maalinlaha ah ee ka soo baxda dalka Faransiiska ee L'Equipe ayaa qiimeyntii ugu hooseysay siisay ciyaartoyda kooxda PSG ee kulankii xalayto ay guuldarro 6-1 ka soo gaartay Barcelona islamarkaana ka haray Champions League inkastoo ay lu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirada maalinlaha ah ee ka soo baxda dalka Faransiiska ee L'Equipe ayaa qiimeyntii ugu hooseysay siisay ciyaartoyda kooxda PSG ee kulankii xalayto ay guuldarro 6-1 ka soo gaartay Barcelona islamarkaana ka haray Champions League inkastoo ay lugtii hore 4-0 ku soo badiyeen.



Edinson Cavani oo ahaa xiddigii dhaliyay goolka kaliya ee PSG iyo daafaca bidix Layvin Kurzawa ayaa kaliya helay qiimeyn afar ah iyadoo dhibcaha ugu badan ee qiimeynta ay tahay 10.

Julain Draxler iyo Marco Verratti ayaa iyagana helay qiimeyn 3 ah.

Laakiin todobada ciyaartoy ee soo hartay waxa ay siiyeen mid walba qiimeeyn 2 ah taasoo ah mid aad iyo aad u hooseysa.

Dhanka Barcelona xiddigaha ay qiimeynta ugu hooseysa siiyeen waa Rafinha kaasoo lagu abaalmariyay qiimeyn 5 ah.

Neymar ayaa qaatay xiddiga garoonka isagoo dhaliyay labo gool dhamaadkii ciyaarta islamarkaana caawiye ka ahaa goolkii ay ku soo baxeen ee Sergi Roberto uu dhaliyay daqiiqadii 95aad waxaana ay siiyeen qiimeyn 9 ah.

Dhanka jariirada L’Equipe ayaa cinwaan ay qortay 24 sannadood ka hor dib u soo celisay maanta, iyadoo guuldaradii PSG ka soo gaartay Barcelona la meel dhigtay kulankii ay xulka France ku seegeen Koobkii Adduunka ee 1994 ee ay guuldarada ka soo gaartay Bulgaria sannadii 1993.

Waxa ay cinwaan ka dhigeen markaas "Lagama hadlaan” waxaana ay isticmaaleen ciwaan midkaas la mid ah cadadkoodii maanta.