Shirkadda Nike oo soo bandhigtay xijaab ay gabdhaha Muslimiinta ah ku ciyaari karaan

0
Thursday March 09, 2017 - 13:05:57 in by salman abdi
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Nike oo soo bandhigtay xijaab ay gabdhaha Muslimiinta ah ku ciyaari karaan

    Xijaabkan cusub ee ay naqshadaysay shirkadda Nike ayay si sahlan u adeegsan doonaan gabdhaha ciyaara ee Muslimiinta ah, waxaana iibin tooda la billaabi doonaa 2018ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xijaabkan cusub ee ay naqshadaysay shirkadda Nike ayay si sahlan u adeegsan doonaan gabdhaha ciyaara ee Muslimiinta ah, waxaana iibin tooda la billaabi doonaa 2018ka.

Dharkan ayaa leh dulduleelo yar ay oo hawadu ka soo gali karto, qaabka loo sameeyayna wuxuu ka caawin doonaa in uusan ku dhagin inta ay jimicsiga ama ciyaarta ku jiraan.

Nike ayaa sheegtay in ay hal sano qaabaynaysay xijaabkan cusub ee ay ciyaartoyda ugu talogashay.

Xijaabka lagu ciyaaro ayaa muddo sanado ahba jiray, laakiin shirkadda Nike ayaa ah shirkaddii u horaysay ee caalami ah ee ka jawaabta baahida dumarka Muslimiinta ah ee ciyaara.

Shirkadaha yaryar ee Capsters iyo ResportOn ayaa markii hore hogaaminayay xijaabka lagu ciyaaro.

Nike ayaa sheegtay in ay soo gaareen in dumarka xijaabta ee ciyaara ay jeclaan lahaayeen mid fudud marka ay ciyaarta ku guda jiraan.Lahaanshaha sawirkaNIKE
Image captionNike ayaa sheegtay in ay soo gaareen in dumarka xijaabta ee ciyaara ay jeclaan lahaayeen mid fudud marka ay ciyaarta ku guda jiraan.

Inta badan dadkii araadooda kaga soo dhiibtay Online-ka way soo dhaweeyeen xijaabkan, inkastoo dadka qaar ay sheegeen in xijaabkooda caadiga ahba ku ciyaaraan

Zahra Lari oo ah ciyaaryahanad u dhalatay Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiratay xijaabka Nike maalinta haweenka Adduunka, siwirkeeda ayayna soo bandhigtay.

SZahra ayaa sawirkeedan soo dhigtay Instagram-ka.

Waxay rajaynaysaa in ay dalkeeda Imaaraadka ku matasho ciyaaraha Olambigga ee 2018ka.