TACSI:-Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum Cali Saalax Jaamac

0
Thursday March 09, 2017 - 13:21:42 in by salman abdi
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TACSI:-Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum Cali Saalax Jaamac

    Hargeysa(AFKA);Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta ,garabbada dhallinya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta ,garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha xisbigaasi ee gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuun Cali Saalax Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Burco.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo weli ba gaar ahaan Marwo Saynab Cali Saalax Jaamac oo ka mid ah guddida ugu firfircoon gobalka Togdheer ee Xisbiga WADDANi oo Marxuumku uu ahaa aabaheed, isaga oo sida oo kale na Marxuumkaas ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na wax-tari jiray dadka danyarta, waxa kale oo uu ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi si weyn uga soo qeyb-qaatay dhismaha qaranka Somaliland iyo horumarintiisa ba.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa uu ugu dambeyntii uu Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii Jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Amiin


 

 

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN