
Cayaaryahan Messi Oo Iska Waayay Liiska Xidigihii Ugu wanaagsanaa Wareega 16-aad Ee Koobka Adduunka Oo La Soo Saaray
Waxaa goordhow lagu dhawaaqay 11-kii xiddig ee ugu wanaagsanaa wareegga 16-ka Koobka Adduunka ee ka soconaya wadanka Brazil,
waxaana safkan laga waayey hoggaamiyaha xulka Argentina ee Lionel Messi iyo laacibka Brazil ee Neymar.
Goolhayaha ugu fiicnaa wareegga 16-ka Koobka Adduunka waxaa loo doortay goolhaya Brazil ee Julio Cesar oo rigoorayaal bad-baadiyay ciyaartii Mexico, sidoo kale xulkan Brazil waxay kaloo 11-kan xiddig ku leedahay David Luiz.
Sofiane Feghouli oo Algeria ayaa ka mid ah kooxda ugu wanaagsan wareegga 16-ka Koobka Adduunka, kaas oo wacdaro ka dhigay kulankii Germany, sidoo kale Bryan Ruiz ayaa isaguna ku jira oo Costa Rica.
Paul Pogba oo Faransiiska matalaya ayaa ka mid ah kooxdan, waxaana weerarka hoggaaminaya James Rodriguez, Klaas-Jan Huntelaar iyo Alexis Sanchez.
Magacyada iyo xulalka ay ka tirsan yihiin 11-kii xidig ee ugu fiicnaa wareegga 16-ka Koobka Adduunka:-
Julio Cesar – Brazil
Gary Medel – Chile, David Luiz – Brazil, Michael Umana – Costa Rica, Juan Cuadrad – Colombia
khadka dhexe
Paul Pogba – France, Bryan Ruiz – Costa Rica, Sofiane Feghouli – Algeria
weerarka
James Rodriguez – Colombia, Klaas-Jan Huntelaar – Netherlands iyo Alexis Sanchez – Chile
Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com
Cayaaryahan Messi Oo Iska Waayay Liiska Xidigihii Ugu wanaagsanaa Wareega 16-aad Ee Koobka Adduunka Oo La Soo Saaray
Waxaa goordhow lagu dhawaaqay 11-kii xiddig ee ugu wanaagsanaa wareegga 16-ka Koobka Adduunka ee ka soconaya wadanka Brazil,