Ajandaha Kalfadhiga Saddex Iyo Sodonaad Ee Golaha Wakiilada Oo La Ansixiyay

0
Saturday March 11, 2017 - 18:37:34 in by salman abdi
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ajandaha Kalfadhiga Saddex Iyo Sodonaad Ee Golaha Wakiilada Oo La Ansixiyay

    Fadhigii Maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaashu waxa ay Cod Gacan Taag Ah ku meel mariyeen ajandaha saddex iyo sodonaad ee golaha wakiila

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigii Maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaashu waxa ay Cod Gacan Taag Ah ku meel mariyeen ajandaha saddex iyo sodonaad ee golaha wakiilada oo uu qayb ka yahay Xeer Bangiyadu.

Fadhigan golaha wakiilada oo uu hadheeyay buuq iyo sawaxan lagu dalbanayay in kalfadhiga laga saaro xeerka bangiyada oo Afartii Sanno Ee Lasoo Dhaafay horyaalay golaha halka qaarkoodna soo jeediyeen in lagu daayo ayaa Guddoomiyahe Baashe Cod Gacan taag Ah Galiyay.

"Ajandaha Kalfadhiga saddex iyo sodonaad ayaa waxa Cod gacan taag ah ku meel mariyay 26 Mudan waxaana diiday 11 mudane waxaana ka Aamusay Shan Xildhibaan guddoomiyahuna muucodaynā€¯sidaas ayuu yidhi


guddoomiye ku xigeenka 1aad oo fadhiga guddoominayay inuu ku Ansaxay Ajandaha Golahu Ku hawl gali doono.

 

Fadhigan Saaka oo uu hadheeyay buuq iyo sawaxan ayaa lagu dalbanayay in laga saaro xeerka bangiyada taas oo keentay in xildhibaanadu koraan Saqafka sare ee guddoomiyahu ka shirguddoomiyo golaha waxaana ay xildhibaanada oo ku kala argti duwani xeerka soo jeediyeen in kalfadhiga laga saaro.