Maxaa Aynu Askari U Noqon Waynay : Jawaabtii Wariye Maxamed Cilmi Xassan (Shiine)‏

0
Friday July 04, 2014 - 13:43:34 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Aynu Askari U Noqon Waynay : Jawaabtii Wariye Maxamed Cilmi Xassan (Shiine)‏

    Beryihii ugu danbeeyey waxaa si weyn looga arkaayey Warbaahinta Online-kaa Maqaalada Jawaabaha u ah Maqaalkii Maxaan u noqon waynay Askari ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beryihii ugu danbeeyey waxaa si weyn looga arkaayey Warbaahinta Online-kaa Maqaalada Jawaabaha u ah Maqaalkii Maxaan u noqon waynay Askari ? su,aashi waxaa afkaartooda kasoo dhiibtay suxufiyiin badan oo qaarkoodba si u cabireen dareenkooda ku aadan su,aasha ah maxaan u noqon waynay Askari ana waxaan kala simanahay taa, hadaba waan idinla wadaago dareenkayga maadaama aad tidhaahdeen  doodu waa furan tahay.

Suxufi iyo Askari !
Askari
Askari waa nin shaqale dalwadeed ah xilna ka saaran yahay amaanka dalka  waa nin xidhan dirays  islamarkaana ah amar qaate waliba amar fuliye,  wuxuu ku shaqeeyaa sida nimaadku dhigaayo amarka taliyihiisa iyo qawaaniinta u degsan dalka ee lagu maamulo askarta,  waa nin dirayska uu xidhan yahay u xidhay qaranka markasta halista isagu kaa xiga, askarinimada waxaa loo soo maraa dariiq dheer  kadib marka la qoro waxaa loo dhigaa qawaaniinta iyo sida loo qaato amarka, waxaana la geyaa xeryaha tabbarka wuxuuna kasoo laacaa mudo bilo ama sanado ah ka dib wuxuu noqdaa askari hawl gala si toosana u qaata awaamiirta cida ka saraysa.

Suxufi.
Suxufi ama Wariye waa nin Xirfad yaqaana waa nin Bulshawi ah oo inta badan ay isku xidhmaan Bulshada qeybaheeda kala duwan mihnadiisu waa inuu u adeegaa bulshadiisa isagoo ku shaqaynaaya xirfadiisa suxufinimo, guud ahaan marka aan iska taagno dhanka wanagsan waa adeege bulsheed oo kaashanaaya midnada saxaafada si siman ugu adeega bulshada kana dheer qabyaalad, maakiisa iyo maskaxdiisu waxay siisaa inuu soo gudbiyo warar, warbixino iyo barnaamijyo qanciya bulshada waxbanada ay ka faaidaan taasi oo saldhig u noqota isaga sumcadiisa iyo shikhsiyadiisa, waana ta keenta inuu noqdo qof ay bulshada ku kalsoontay oo sumcad yeesha, suxufiga wanasgan waa suxufiga cidkasta oo uu la shaqeeyo ay ka mahad sheegato maaha ka fardaha lagaga cararo ama ku shaanbadooba sifaad xun xun sida caadifada iyo qabyaalada.

Tusaale kooban.
Wiil dhalinyaro ah  waxaa uu ku jiraa wakhtigii Dugsiga dhexe wuxuuna dhigtaa mid kamida Dugsiyada Hamigiisii ahaa inuu wato Waxbarashadiisa mar keliya ayuu xagaa isaga duway waxaana uu u hanqal taagay sidii uu maruun u noqon lahaa Suxufi una qaadan lahaa Magaca ah Wariye, Derejada Suxufi waa ta uu aduunka ugu jecelyahay,  Degdeg wuxu u tegay mid kamida Dugsiyada barashada saxaafada wuxuuna ka haajiray waxbarashadii aasaasiga ahayd ee  dugsigii dhexe oo uu markaasi ku guda jiray, wuxuuna isugu biyo shubtay sidii uu u noqon lahaa wariye caan ah, Dedaalka noocaa ah  ka dib 3-bilood wuxuu sheegtay inuu yahay  wariye,  waxaana lagu arkay goobaha wararka iyo munaasibadaha isaga oo la rooraya Camarad iyo Micrifoon, sidaasna ayuu ku waday wakhti badan,  mudo laga joogo sando wuxuu arkay Ardaydii ay wax wada dhigan jireen dugsigii dhexe oo u fadhiya Imtixaankii Shahaadigaa ahaa ee Dugsiga sare, isna wuxuu jaaniskiisii uga badnaa geliyey sidii uu maalinba website iyo jaraad ugu kala wareegeeyey inuu ku laasto sanado badan qumo iyo ciil daraadeed ayey naftu uga bixi gaadhay markuu maqlay waxaa baxaaya ardaydii kula claaska ahayd.

Mudo gaaban gudaheed wuxuu kasoo howday  inta badan websiteyada iyo jaraaidada, aakhirkii wuxuu faro madhan iska taagay  dhamaan meelihii uu wararka u diray jiray ka dib markii uu isagu marnaba la keeni waayey qeynuunkii warbaahineed iyo wada shaqayntii bulshada sidoo kale ay is qabsadeen midkasta oo uu maalin u waramo, wuxuu noqday tuko baal cad oo cidkastaaba isu  sheegto, hasa ahaatee aakhirki wuxu u baydhay dhanka qabyaalada wuxuuna warbaahintii u isticmalay qablaayad cad wuxuuna geed  dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu u hanan lahaa website ay leeyihiin reerkoodu si uu i yidhaahdo ina hebel baan ahay anaa xaq u leh  anaana ka waramaaya cidii kale daaqada halaga saaro, taasi waxay  sababtay inuu ku danbeeyo tuuladii ay deegaan ahaan deji jireen islamarkaana uu wararkeeda iyo shaqada warbaahineed ee tuuladaasiba uu ku doono saami beeleed isagoo ku doodaaya in tuulada  uu dego reer koodu xaqna isagu u leeahay inuu ka waramo, Iskuul muu soo marin waa Suxufi miyaanay ahayn wax lala yaabo.

Maxaa aynu askari u noqon waynay ! ? 
Suxufi sida lagu  noqdaa waa hawl yartahay balse Askari sida lagu noqdaa waa halbadan tahay waa macnaha keliya ee marka su,aasha si wanagsan looga fiirsado lagu soo uruurin karo, labada midkastaaba wuxuu leeyahay marxalad  hab loo maro balse waa ay kala duwan yihiin, macnaha kale aan ku  macnayn lahaa waxay tahay  noqoshada askari waxay leedahay Xuduud cayiman hasa ahaatee noqshada Suxufi oo hore u lahayd xuduud maanta waxay noqotay bilaa xuduud waana magaca keliya ee si fudud lagu sheegan karo maanta 

Maxaa lagaga bixi karaa noqoshada Suxufinada hawsha yar ? 
Geba gebadii Waxaa lagaga bixi karaa askarina loo noqon karaa waa iyada oo la xadido barashada iskuulaadka meel walba laga furaayo waa iyada loo liisan loo sameeyo Suxufiga ka dibna laga diwaan geliyo wasaarada Warfaahinta , sidoo kalena la adgeeyo shuruudaha lagu noqonaaya Suxufi iyadoo laga sii adkaynaayo ta lagu noqonaayo askari  si ay u fududaato noqoshada askari .

Doodu waa furantahay 

Maxamed Cilmi Xassan(Shiine)
Burco/Somaliland
Shiine1433@hotmail.com