Qarax Khasaaro Geestay Oo Saakay Ka Dhacay Muqdisho Ka Dhacay +Sawiro

0
Sunday March 12, 2017 - 11:37:58 in by salman abdi
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaaro Geestay Oo Saakay Ka Dhacay Muqdisho Ka Dhacay +Sawiro

    Qarax gaadhi lagu soo xidhay ayaa saakay ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxan uu ka dhashay Khasarao dad shacab ah soo gaaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax gaadhi lagu soo xidhay ayaa saakay ka dhacay Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxan uu ka dhashay Khasarao dad shacab ah soo gaaray.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Gaari yar oo nuuca raaxada ah uu qarxay xili uu saakay marayay meel ku dhaw shineemo super ee Degmada Xamar Weyne, waxaana qaraxan ku dhaawacmay labo qof oo midi tahay gabar mareysay wadad dhinaceeda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu watay shaqaale katirsan Telefishinka Universal oo lagu magacaabo C/Xamiid Karzaay, waxaana qaraxan dhaawac culus uu gaarsiiyay Karzaay oo katirsanaa Farsamayaqaanada Tv-ga Universal.

Wariye C/Casiis ok oo kamid ah Shaqaalaha Tv-ga Universal ayaa sheegay in dhaawaca C/Xamiid Karzaay uu yahay mid culus laguna daaweenayo xiligan isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada gaadiidka la isugu xiro ayaa mudooyinkan kusoo kordhayay magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana inta badan waxyyeelo xoogan gaarsiiya darawalka wata gaariga lagu xiro.