Isbarbar Dhiga Sadexda Xisbi Qaranka Ee Somaliland Iyo Xisbiga Ku Guulaysan Doona Doorashada Soo Socota Ee ka Dhici Doonta Dalka Dimuqraadigaa Ee Somaliland.

0
Sunday July 06, 2014 - 05:50:07 in by London Office
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Isbarbar Dhiga Sadexda Xisbi Qaranka Ee Somaliland Iyo Xisbiga Ku Guulaysan Doona Doorashada Soo Socota Ee ka Dhici Doonta Dalka Dimuqraadigaa Ee Somaliland.

    Isbarbar Dhiga Sadexda Xisbi Qaranka Ee Somaliland Iyo Xisbiga Ku Guulaysan Doona Doorashada Soo Socota Ee ka Dhici Doonta Dalka Dimuqraadigaa Ee Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbarbar Dhiga Sadexda Xisbi Qaranka Ee Somaliland Iyo Xisbiga Ku Guulaysan Doona Doorashada Soo Socota Ee ka Dhici Doonta Dalka Dimuqraadigaa Ee Somaliland. Isbarbar Dhiga Sadexda Xisbi Qaranka Ee Somaliland Iyo Xisbiga Ku Guulaysan Doona Doorashada Soo Socota Ee ka Dhici Doonta Dalka Dimuqraadigaa Ee Somaliland.

Xisbiyada kulmiye wadani iyo ucid ayaa u tartami doona doorashada inagu soo foodka leh 2015 waxaana shacabka reer somaliland ka bixiyeen dareeeno kala duwan cida ku guulaysanaysa ee hanan doonta kursiga ugu sareeya ee qaranka somaliland?

Marka aan ku horayno xisbul xaakimka kulmiye ee dalka haya ayaa 4 sano ka hore ku soo guulaysttay tartanka doorashadii ka dhacday dalka somaliland oo aahyd mid dimuqraadiyada si xalaalana u dhacday.Xisbiga kulmiye waxaa uu qaaday talaabooyin door leh oo aad u muhiim ah oo dalku u baahna waxaana ka mida hurumarka baaxada leh ee uu dalka somaliland ka fuliyay.

Xisbiga Kulmiye waxaa uu kala wareegay xukunka dalka doorasha xalaala kadib xisbigii burburay ee Udub waxaanu kaga badiyay doorasho xalaala oo dhacday.

markii uu xsibula xaakimka kulmiye kusoo jiray olalaha doorashada ayaa waxaa uu balan qaaday boqlaaal arimood oo u baahna in wax laga qabto horena aan dalkana aan la tawaxba looga qaban.Isla markiiba waxaa madaxwaynaha somaliland axmed siilaanyo ee ka soo baxay xisbiga kulmiye waxaa uu amar ku bixiyay isagoo fulinaaya balamihii uu soo qaaday ee Record garsnaa in Xisbiyada la badiyo waanu fuliyay balantaas, sidoo kale waxaa uu fuliyay in golayaasha deeganka somaliland la badalo sida ay ahayn dhalinyaro badan u ogolaaday inay xildhibaano ka noqdaan deegaamada iyo gobolada somaliland.

Xisbiga Kulmiye ee uu ka soo baxay Madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed siilaanyo waxaa uu sidoo kale balan qaaday dhinaca arimaha hurumarka bulshada waxaanu markiiba fuliyay dhawr arimood oo ay ka midtahay lacagta oo laga badalo gobolka togdheer iyo dhawr arimood oo kale.

Sidoo kale waxaa uu xisbiga kulmiye uu fuliyay balantii ahayd darajooyinka ciidmada qaranka somaliland oo lagu wada taxay xidigaha waana markii ugu horaysa ee taariikhda dallka somailand uu yeesho ciidamo darajo leh.

Madaxwaynaha Somaliland Iyo Xisbiga Kulmiye waxay kale oo qaadeen talaabooyin fara badan oo ay ka mid tahay dhinaca wadooyinka somaliland oo aan mudo 40 23 sano ah wax laga qaban waaxan la bilaabay wadooyin xad dhaafa oo ay ka midtahay qaar la soo dhameeyay iyo kuwo gacanta lagu hayo hada.

Xisbiga Kulmiye waxaa uu haystaa waxyaalo fara badan oo dhinaca hurumarka ah walina uu gacanta ku hayo oo uu sii wado.

Hadaba Xisbiyada la tartami doona ee somaliland ayaa yaguna kala ah xibiga wadani ee gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ka sharaxan yahay iyo xisbiga ucid oo uu ka sharaxanyahay nin ku cusub siyaasada somaliland jamaal cali xuseen.
"Xisbiga wadani iyo ucid ayaan ilaa hada dadka usoo ban dhigin waxay ku qancaan oo lagu doorto waxaana hafisay oo aanay u babac dhigi karayn horumarka iyo sida baaxada leh uu xisbiga kulmiye shacabka reer somaliland wax ugu qabtay hadii markale loogu celiyo oo la doorto xisbiga kulmiye laga yaaba inuu dalkan meel hada halkuu maraayo ka soo sarysa gaadhsiiyo."

Labada xisbi ee wadani iyo ucid waxay jaanis ka raadinayaan marwalba wax ka khaldama ama khilaaf soo kala dhex gala xisbiga kulmiye iyo xukumada taasina waxay sababi kartaa in labada xisbi ee kale helaan dad taageera oo u codeeya doorashad.
Dhawaan ayay ahayd markii xisbiga kulmiye uu ka dhex qarxay khilaaf waxaana aad mashquul u noqday wadanka oo dhan gaar ahaan waxaa aad looga dhex dareemayay oo isku sii diraayay labada xisbi ee wadani iyo ucid si ay markaa u helaan dad ka soo jaba xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin ka soo diga rogta qudhoodu lakiin waxay taasi dhamaatay markii golaha odayaasha somaliland ee guurtidu dhex galay soo afmeeray khiaalfkii ka dhex oogna xisbiga kulmiye oo uu gaadhay in wasiiro shaqadii ku wayaan halka qaarna la xidhayba.

"Isku soo wada duuduubo waxay kaliya labada xisbi ee kale jaanis heli karaan marka uu xisbiga kulmiye cid aan ahayn madaxwayne axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) iska soo sharaxdo waxaana taasi u sahli kartaa in ay ku dhawaadan ama kaba guulaystaan xisbiga kulmiye doorashadsa soo socota, waxaana ugu jirta xisbiyada mucaaridka ah dan aad u wayn in cidkale oo aan ahayna madaxwaynaha somaliland iska soo dhex sharaxdo xisbiga kulmiye".

Si kastaba ha ahaate waxaan ilaa hada la garan karin siyaasada ay usoo bandhigi doonaan labada xisbi ee mucaaridka ahi dadwaynaha reer somaliland oo dhagta u taagaya?


Yaasin Ahmed
India