Madaxweynihii Hore Ee Kuuriyada Koonfureed Oo La Amray In La Soo Xidho

0
Monday March 27, 2017 - 12:16:18 in by salman abdi
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Kuuriyada Koonfureed Oo La Amray In La Soo Xidho

    Koonfureed)-Xeer illaalinta dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa amartay in lasoo xidho haweenayda Madaxweynihii hore ahayd ee Park Geun-hye oo bishan xilka laga xayuubiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koonfureed)-Xeer illaalinta dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa amartay in lasoo xidho haweenayda Madaxweynihii hore ahayd ee Park Geun-hye oo bishan xilka laga xayuubiyey.



Madaxweynihii hore Mrs.Park ayaa horaantii bishan waxaa xilka ka xayuubiyey Maxkamada sare kadib markii Baarlamaanka ansixiyey maxkamadeynteeda, waxaana loo heystaa arrimo la xariira musuq maasuq iyo ku takri-fal awoodeeda.

Park Geun-hye ayaa lagu eedeeyey inay shirkado ay xiriir laleedahay sida shirkada Samsung ay u sameysay canshuur dhaaf ama mashaariic si musuq maasuq ah loo siiyey ganacsato ay xiriir dhaw lahaayeen.

Kadib go’aankii maxkamada sare xilka uga xayuubisay Mrs.Park ayaa waxaa halkaasi ku dhumay xasaanadii ay lahayd intii ay heysay xilka Madaxweynaha. Waxaana todobaadkii tagay su’aalo weydiiyey xeer illaalinta.

Xeer illaalinta ayaa maanta codsi u gudbisay Maxkamada dalkaasi ay ku codsaneyso in la fuliyo amarka soo xirida haweenaydan, iyadoo xeer illaalinta ku dooday inay ka cabsi qabto Mrs.Park inay burburiso cadeynmaha kahor intaan lasoo gaba gabeen baaritaanka ku aadan danbiyada musuq maasuqa oo ay ku muteysan karto 10 sano oo xarig ah.