Dhegeyso: Maansadi MAANDEEQ oo Si Toos Ah Ugu Socota Weedhsama Iyo Cabdillahi Xasan Ganay Kana Mid Silsiladi Miimlayda By Abwaan Ali Kabadhe

0
Tuesday March 28, 2017 - 11:02:41 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhegeyso: Maansadi MAANDEEQ oo Si Toos Ah Ugu Socota Weedhsama Iyo Cabdillahi Xasan Ganay Kana Mid Silsiladi Miimlayda By Abwaan Ali Kabadhe

    Maansadi MAANDEEQ oo Si Toos Ah Ugu Socota Weedhsama Iyo Cabdillahi Xasan Ganay Kana Mid Silsiladi Miimlayda By Abwaan Ali Kabadhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadi MAANDEEQ oo Si Toos Ah Ugu Socota Weedhsama Iyo Cabdillahi Xasan Ganay Kana Mid Silsiladi Miimlayda By Abwaan Ali Kabadhe

Hada Maandeeq waa Maanso maanta soo baxday. Waxay ku lad haystaa maasooyinkii Cabdilaahi Xasan Ganey Iyo Weedhsame tiriyèen. Maaha difaac iyo weerar midna



Hada Maandeeq waa Maanso maanta soo baxday. Waxay ku lad haystaa maasooyinkii Cabdilaahi Xasan Ganey Iyo Weedhsame tiriyèen. Maaha difaac iyo weerar midna, waa toosin iyo tusaalayn aan ku tusayo waxay ka hadlayaan wax ka wayni in ay jiraan.

In dhowayd mariiqiyo
Meereyaasha dunidiyo
Maluugta iyo samadaan
Ku mashquulsanaayoo
Madhanta iyo ururtiyo
Godka saxal ku maro iyo

 

Mareegaha xidigihiyo
Afo-gaalo muuqdaan
Xiligay muquurtaan
Maankaygu sugayooo
Dabaylaha maraagiyo
Maygaagga jebiyee
Yaaraha la moodee
Mahiigaanka saadshaan
La mashaawiraayoo
Midabada daruurtaan
Minqiyaas ku wadayoo
Maangad iyo kaliil baa
Maskaxdaayda gubaysoo

 

Marna waan maqnaayoo
Afrikada madow iyo
Maka iyo madiiniyo
Moosko iyo yurub baan
Socotada ku marayoo
Mucjisada dhulkaygiyo
Masiibada abaaraha
Mowlahay u keenaan
Manfac iyo gasiin iyo
Mood u raadinayoo
Maxastii dalkaygoo
Macaluuli haysoo
Murugo u dhàmaataan
Maradhaaminaayee

Ma rag baa u mudhuxsaday
Iyadoo mayd inoo yaal
Maatadu dhanqalan tahay
Xoolihii maduugmeen
Mucsur uu dadkii yahay
Qosol inay madiixaan?

Inta ruux ma daale ah
Gurmad muujinaysee
Wax mar uun la cunno iyo
Maryo duuga kolay tahay
Ma-huraanki soo kacay
Kuwa madal hufinayee
Indhahoodu meel dhow
Ku maqiiqanyiinow

Taariikhda mudan baa
Qof ba meel ku qoraysee
Hadda mudaneyaalow
Suugaantu meded ma leh
Macno iyo wanaag ma leh
Muuqaal qurxoon ma leh
Mahadhiyo xasuus ma leh
Maahmaah ka reeb ma leh
Dhaxal meel ku hadha ma leh
Madadaalo wacan ma leh
Mashqac hilaad ma leh
Meel dheer ka doon ma leh
Milgo iyo xishood ma leh
Maadays halhaysiyo
Kaftan maanka gala ma leh

Haddaan looba meel deyin
Miisaanka erayada
Haddaan maqalku sii jaman
Maamuuska guud iyo
Meeqaamka loo sugin
Haddaan meeriskeediyo
Muunadeeda labadaba
Laga miidhin midhiftoo
Sida maaxda loo shubin

Haddaan ma hurtadeeniyo
Ninka muruqa waynliyo
Miskiin lagu walaalayn
Haddaan mililka lagu dhayin
Maasha lagu bugsiinayn
Laba muran dhex yaaloo
Midniyo isu haystana
Maslax iyo wanaag iyo
Haddaan maaro loo helin
Midigta laysu saarayn

Haddan loo mudh bixinayn
Maydhax looga diirayn
Madag loogu ogayn
Nimankii macnaha gabay
Majaraha u jeexee
Sidda Maayad roob iyo
Miiraale subax iyo
Sidda Mayay u di'i jiray
Sidii Maxamed Nuur iyo
Mowjadii Qamaan iyo
Maroodigi Salaan iyo
Yowle mahadhiisiyo
Midhihii Suldaan iyo
Mintid Faarax nuur iyo
Maydal kii Gamuutiyo
Mire Gun iyo baar eeg
Cali-dhuux mugiisiyo
Meertadii halyeyda

Ama macalimiintii
Maansada sameeyee
Sida malabka doocaan
Erayada mulaaxda ah
Midh midh ii cabsiiyee
Maxkaxdeena furayee
Siinleeyda muudhka ah
Deelleeyda maalka ah
Murtidooda yaabka leh
Miyi iyo magaaliyo
Madal laysu muuqdiyo
Mahwiyada ka tirin jiray

Minjaroor mid tiriyoo
Laba kala maroort iyo
Laba miidadawsiya
Laba aan is mudan karin
Isku soo minguurshoo
Magac raadinaayow
Miimka yaan la ceebayn
Magacii Rasuulkiyo
Maxamed baa ka kaca oo
Waa xaraf muhiim ahe
Miimka yaan la ceebayn
Yaan makhaayad laga dhigin
Qofkastaa malaas daro

Waxba yaanan meel sare
Hadalka soo marmarinnoo
Makasta iyo ubadkiyo
Maangaab tilmaamine
Anniguna mur iyo dacar
Caddowgaan milayaa
Maska iyo abeesada
Loo maaro-wayee
Maageerka soo gala
Malmal baan ku shidayaa

Misna maydalkaygiyo
Magliga iyo Warankiyo
Hootada mutaxan iyo
Madfac waxan la taagnahay
Halka nacabku soo maro

Waxaan muhindisoodaa
Inaan maalin weeraro
Ama aan habeen miro
Waxaan muhindisoodaa
Qarankoo macruuf hela
Aduunyadana ugu mudan
Waxaaan muhindisoodaa
Dadka oo mataano ah
Waxaan muhindisoodaa
Madigoo irmaanoo
Inta Moroha loo culay
Maatadiyo caruurtii
Mishmishiiqsi caanaha
Magmagaabinaayaan
Waxaaan muhindisoodaa
Malkadii dalkaygoo
La mushaaxo laylkoo
Madowgiyo caddaankuba
Marti ii yihiin oo
nabad laysku maamulo
Waxaaan muhindisoodaa
Macdantiyo nimcada iyo
Miida iyo badroolkaas
Inaan maalin uun helo
Waxaan muhindisoodaa
Qaramadda midoobiyo
Markaskii aduunyada
Meel innaan ku yeeshaa
Waxaan muhindisoodaa
Anigoo is muujoo dunidaba
Mar maamulay


Idinna moogeyaalow
Inta maqashu daaqdiyo
Miscilisha iyo oodiyo
Sheekada murqaankiyo
Muusiga iyo heestiyo
Isagaa muxaafid ah
Annigaa mucaarada ah
Heblaayaa mashxaradiyo
Mukurka iyo faankiyo
Macanaaska hoosiyo
Meehanowga suuqiyo
Minankeena kala fadha

Maankiyo garaadkaa
Minjihiina eegoo
Qolqolkiyo mareegtiyo
Masaafada dhexdoodaad
Adduunyada mugeediyo
Macfal wayn u aragtaan
Malmallooti bahalaha
Muska adhiga loo sudhay
Muuqa haw ekaanina
Kor mar uun u soo baxa

Caruurtaa muqlaysani
Hayska maararowdoo
Ha mushaaxdo fiidkee
Maxlal laguma faanee
Maandeeq waxay ku socotaa
Ninka maragga furayee
Minnesota joogiyo
Inta mowqifkoodii
Qarannimo metelaysiyo
Masalaha ninkii dhigay!

Anigiyo masuul kii
Mabda' ila wadaagooy
Intaan Madarku soo di'in
Mashaqadu sidaa tahay
maansadu inoo xidhan

Abwaan Ali Kabadhe