
Tixraac maqaalka uu Caynaba News ku qoray nin magiciisa ku sheegay Tahir Hussein
Maqaal Tixraac maqaalka uu Caynaba News ku qoray nin magiciisa ku sheegay Tahir Hussein kaas oo aflagaadooyin iyo eedo u jeediyey masuuliyiin uu Ugu horeeyo M/wayne Axmed Siilaanyo iyo haldoorka golaha wasiirada Waxaad xukumuuda ku tilmaantay mid aan waxqabad lahayn islamarkaana tayo daran, waxaa iswaydiin leh 2010 bishii todobaad wixii ka horeeyey adigu garaad ma lahayd dalku siduu ahaa ma xasuusataa, malaa adigu garan mayside malagaag sheekeeyey, xukuumadan waa ta isbedelkaa samaysay, waxaa muuqata in aad ka mid tahay inta neceb horumarka iyo waxqabadka, ilaahay waxaan kaaga baryayaa in uu wanaaga ku tuso Ugu danbayn jawaabtaada iyo xaqiiqada ka akhriso maansada uu tiriyey Abwaan Mubaarig Maxamed Nuur qoor u baxay, waana tan, qaybo ka mida. Miyaa doorka ka horow diyaaradaha air bus ka degeen madaarada Miyaa doorkan kahorow dekedeena laga raray markab doonyo raran sida. Daabuleen konteerada. Miyaa doorkan ka horow dugsiyada waxbarasha dadkoon bixinin caantayn Loogu dhigay duruustii. Miyaa doorkan ka horow askarteena derejada dalacsiinta lagu tolay. Miyaa doorkan ka horow jidadkiyo dariiqyada wada daamur laga dhigay. Dilla iyo Berbera qabo salaxley u daanshood daalo iyo laasqoray in dalxiiska lagu tago oo dariiqyo loo furo qorsheheeda lagu daray. Miyaa doorkan ka horow mushahaarka dawliga daryeelkii shaqaalaha sadex laabna lagu daray. Miyaa doorkan ka horow David iyo Camaroon dooda laysku waajahay. Miyaa doorkan ka horow calankeena dunidii ka hilaacay dacalada. Miyaa doorkan ka horow madaxwayne daacadi dawladeena maamulay. Miyaa doorkan ka horow niman wada diktooro ah dawladeeda la duray. Miyaa doorkan ka horoow dedaalkiyo waxqabadkaas madigaa dafirayee Nacabkii damaaciyey indhahoodu diideen.
Qalinkii: Kayse C/laahi Saleebaan





0 

Tixraac maqaalka uu Caynaba News ku qoray nin magiciisa ku sheegay Tahir Hussein
Maqaal Tixraac maqaalka uu Caynaba News ku qoray nin magiciisa ku sheegay Tahir Hussein