Ciyaartoyga Alexis Sanchez Oo Macsalaameeyay Asxaabtiisa Barcelona iyo Eric Abidal Oo Ku Biiray Olympiacos.

0
Sunday July 06, 2014 - 11:31:36 in by Super Admin
  • Visits: 1350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoyga Alexis Sanchez Oo Macsalaameeyay Asxaabtiisa Barcelona iyo Eric Abidal Oo Ku Biiray Olympiacos.

    iyo Weliba Real Madrid Oo 54 Milayn Euro Ku Soo Gaba Gabaynaysa Saxiixa Radamel Falcao.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Weliba Real Madrid Oo 54 Milayn Euro Ku Soo Gaba Gabaynaysa Saxiixa Radamel Falcao.

Waxaa isa soo taraya wararka ku aadan weerar yahanka kooxda Barcelona iyo qaranka Chile Alexis Sanchez, wararkii u danbeeyay ayaana sheegaya in laacib kaan uu macsalaameeyay asxaabtiisa Barcelona.

 

Alexis ayaa saaka soo gaaray Barcelona si uu ugala hadlo kooxdiisa mustaqbal kiisa waxaana la sheegay in laacib kaan uu u sheegay Barca inuu doonayo kaliya inuu la midoobo Arsene Wenger.

Warar goor dhaw uu shaaciyay wargays ree Chile ah ayaa sheegaya in laacib kaan uu macsalaameeyay asxaabtiisa Barcelona wuxuuna intaa ku daray in Alexis Sanchez lafilaayo inuu u duulo London 72 saac ee soo socota.

Dhanka kale warar laga helay shir kada FSG oo ah shirkad ay iska leeyihiin milkiilayaasha ree maraykan ee Liverpool ayaa sheegaya in Sanchez uu iska diiday Liverpool waxayna intaa sii raaciyeen in laacib ka uu ku sii jeedo Arsenal.

Real Madrid Oo 54 Milayn Euro Ku Soo Gaba Gabaynaysa Saxiixa Radamel Falcao.

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mid soo gaba gabaysay saxiixa weerar yahanka ree Colombia iyo kooxda AS Monaco Radamel Falcao.

Defence Central ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay ku soo gaba gabaysay saxiixa Radamel Falcao 54 milyan oo euro wuxuuna intaa ku daray in wada hadalada labada kooxood ay wali socdaan.

falcao_1789132a

Radamel Falcao ayaa u sheegay kooxda Real Madrid inuu doonayo inuu ka ciyaaro Bernabeu xili ciyaareed ka soo socda, Real Madrid ayaana iska diiday dadaalkii ay ugu jirta saxiixa Suarez maadama ay doonayaan inay keenaan Falcao oo ay u arkaan inuu yahay laacib fahansan horyaalka Spain.

Radamel Falcao ayaa diyaar u ah inuu dhimo mushaar kiisa qaaliga ah ee Monaco kaas oo gaaraya 16 milyan oo euro sanad kii wuxuuna diyaar u yahay inuu qaato 10 milyan oo euro hadii uu ku biirayo Real Madrid.

Eric Abidal Oo Ku Biiray Olympiacos.

Daafacii kooxda AS Monaco Éric Abidal oo laba maalin ka hor heshiis ka u kordhiyay kooxdiisa Monaco ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda ree Greece ee Olympiacos.

Kooxda Olympiacos ayaa si rasmi ah u shaacisay il 34 jir ka ree France Éric Abidal uu ku soo biiray kooxdooda lakiin ma aysan shaacin mudada uu qalinka ugu duugay.

Éric Abidal ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Barcelona wuxuuna ku biiray kooxda ree france ee AS Monaco oo uu la joogay hal xili ciyaareed wuxuuna hada si rasmi ah ugu wareegay kooxda ka dhisan dalka Greece ee Olympiacos.

Éric Abidal1


Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com