
Xulka dalka argentina oo iska xaadiriyey semi final-ka ka dib markii ay belgium ka tallaab sadeen +SAWIRO
Qaybtii hore ee ciyaarta labada xul ayaa muujiyay foojignaan aad u wayn lakiin daqiiqadii 8aad Higuain ayaa hogaanka u dhiibay qaranka Argentina kadib markii uu afka hore ee diilinta ganaaxa uu ka helay kubad ku soo dhacdayVan Buytenisagoona sii daba mariyay gool hayeCourtois.
Goolka kadib ciyaartoyda Belgium ma aysan samayn qataro aad u badan lakiin waxaa ciyaarta iska maamulanayay xulka qaranka Argentina, qaybtii hore ayaana ku soo idlaatay 1-0 oo ay hogaanka ku haysay Argentina.
Qaybtii danbe Belgium ayaa aad uga fiicneed xulka qaranka Argentina waxayna u soo dhawaadeen inay soo bar bareeyaan kadib badalo uu sameeyay tababare hooda.
51 daqiiqo Higuian ayaa u soo dhawaaday inuu 2-0 ka dhigo ciyaarta lakiinVan Buytenayaa banaanka isaga saaray kubadii uu ku soo shuuday sidoo kale mar kale ayuu helay fursad aad halis u aheed lakiin birta ayaa ka beenisay.
Ciyaartoyda qaranka Belgium ayaa sameeyay fursado badan lakiin way awoodi waayeen inay dhaafaan difaaca adag ee xulka qaranka Argentina, dhamaadkii ciyaarta Lionel Messi ayaa helay fursad isaga iyo gool hayaha lakiinCourtoisayaa si fiican uga badbaadiyay kubada Lionel Messi inay u gudubto gool kiisa.
Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday qaranka Argentina waxayna Semi Final-ka ku sugi doonaan xulkii soo badiya kulanka Holland iyo Costa Rica.
Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com
Xulka dalka argentina oo iska xaadiriyey semi final-ka ka dib markii ay belgium ka tallaab sadeen +SAWIRO
Xulka qaranka Argentina ayaa guul muhiim ah ka gaaray caawa xulka qaranka Belgium kadib markii uu ugu awood sheegtay 1-0 ciyaar aad u xiiso badneed oo ka dhcaday Nacional Stadium ee Brazil.