Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Oo Casho Sharaf Mahadcelin Ah U Sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka

0
Thursday March 30, 2017 - 11:01:59 in by salman abdi
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Oo Casho Sharaf Mahadcelin Ah U Sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka

    Muqdisho, (Afka) Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, (Afka) Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, isagoo ka dalbaday wada shaqeyn dhex Marta labada Hay'adood ee fulinta iyo sharci dajinta.

Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale. Ra'iisul wasaare Xasan Kheyre ayaana ku dheeraaaday muhiimadda ay leedahay in ay isku xirnaadaan hay'adaha Dawladda si dalka wadajir loogu gaarsiiyo horumar iyo isla xisaabtan dhab ah oo dhex mara.

 

 

----DHAMMAAD----

 

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

ee Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha

media.opm@gmail.com

Twitter: @SomaliPM