"Israa'iil Xidhiidh Waanu La Yeelan Karnaa Haddii Ay Ka Baxdo Dhulkii Ay Qabsatay 1967" Hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta

0
Thursday March 30, 2017 - 11:25:56 in by salman abdi
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Israa'iil Xidhiidh Waanu La Yeelan Karnaa Haddii Ay Ka Baxdo Dhulkii Ay Qabsatay 1967" Hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta

    Hogaamiyeyaasha Carabeed ayaa bayaankoodii ay ka soo saareen shirkii madaxda Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay dalka Urdun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyeyaasha Carabeed ayaa bayaankoodii ay ka soo saareen shirkii madaxda Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay dalka Urdun

 waxay ku sheegeen in ay xidhiidh taariikhi ah la furi doonaan Israel hadii ay ka baxdo dhulka Carbeed ee ay haysato tan iyo 1967.

_95386631_1f423731-1e64-40b5-9cd1-8fc1bd8f311c

War murtiyeedkii ka soo baxay shirka madaxda Jaamacadda Carabta oo uu akhriyey xog-hayaha guud ayaa lagu xusay in dawladaha Carbeed taageerayaan wadahadallada nabadda ee u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta si loo soo af-jaro colaadda dhex taal, hadii wadahadalladaasi ay ku jirto sidii dawlad Falastiin leedahay oo ay deris yihiin Israel loo dhisi lahaa.

Boqorka Urdun, Cabdallaha labaad ayaa furitaankii shir madaxeedka ku nuuxnuuxsaday in lagama maarmaan ay tahay in la dhiso dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin, waxaanu carrabka ku adkeeyey in taa la’aanteed aan nabadi ka aslaaxayn Bariga Dhexe.

Boqorka Urudun wuxu intaa ku daray in Israel ay wiiqayso fursadaha nabad lagaga dhalin karo gobolka maadaama ay wado deegaamaynta dhulka Falastiin ee ay haysato.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa isna sheegay in dawlad ay Falastiiniyiintu yeeshaan tahay dariiqa keliya ee lagu xallin karo colaadda dhex taal Falastiiniyiinta iyo Israaiiliyiinta.

Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Urdun, hogaamiyeyaasha Carbeed waxa kale oo ay ka wada hadleen dagaallada ka socda Suuriya, Ciraaq, Liibiya, Yemen iyo la dagaalanka argagixisada iyo colaadda Falastiin iyo Israel dhex taal.

Dadka la socda arimaha Carabta ayaan iyagu filayn in shir madaxeedkani ka duwanaan doono kuwii hore, sidoo kalena waxaan la filayn in wax horu mar ah oo la taaban karo uu ka tari doonto colaadaha ka aloosan gobolka.