Dawlada Itoobiya Oo Kordhisay Mudada Wadanku Ku Jirayo Xaalada Deg Dega Ah.

0
Thursday March 30, 2017 - 15:13:39 in by salman abdi
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Kordhisay Mudada Wadanku Ku Jirayo Xaalada Deg Dega Ah.

    Itoobiya ayaa afar bilood oo kale ku kordhisay xaaladda degdegta ah ee dalku ku jiro. Go'aanka waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey baarlamaanka, kaasoo 100% uu gacanta ku hayo xisbul xaakimka EPRDF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya ayaa afar bilood oo kale ku kordhisay xaaladda degdegta ah ee dalku ku jiro. Go'aanka waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey baarlamaanka, kaasoo 100% uu gacanta ku hayo xisbul xaakimka EPRDF.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa muddo kordhintan difaacay isagoo sheegay inay muhiim u tahay in lagu fara adaygo guulihii ilaa hadda la gaadhay ee ah in xasilooni dib loogu soo celiyo dalka.Go'aankan ayaan ahayn mid la yaab leh. Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa horraantii bishan bidhaamiyey kordhinta, isagoo sheegay in 80% dadku ay talaabadan taageersan yihiin.

Mucaaradka iyo kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyey xaaladda degdegta ah, waxayna sheegeen in loo


adeegsanayo in lagu cabbudhiyo dadka xukuumadda dhaliila.

 

Boqolaal qof ayaa la dilay, kumanaan kalena bilaa maxkamad ayaa la xidhay tan iyo markii banaanbaxyadu ka dheceen laba gobol oo dalka ugu waaweyn bishii November 2016.

 

 

 

Source:-BBCsomali