Goob Jogayaashi Calimaga Aha Ee ka Qayb Galay Diiwan galinti Codbixiyaasha Oo Ka War Bixiyay Qaabki Ay udhacday Diiwan galinta Somaliland.

0
Thursday March 30, 2017 - 18:06:28 in by salman abdi
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goob Jogayaashi Calimaga Aha Ee ka Qayb Galay Diiwan galinti Codbixiyaasha Oo Ka War Bixiyay Qaabki Ay udhacday Diiwan galinta Somaliland.

    Hargeysa(AFKA);Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee la socday habsami u socodkii Diiwaangalinti Cod-bixiyayaasha ee ka qabsoontay Somaliland 2016-kii, imikana Komishanka Doorashooyinku Natiijadeeda shaaciyeen ayaa Komishanka Doorashooyinka ku Hambalye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee la socday habsami u socodkii Diiwaangalinti Cod-bixiyayaasha ee ka qabsoontay Somaliland 2016-kii, imikana Komishanka Doorashooyinku Natiijadeeda shaaciyeen ayaa Komishanka Doorashooyinka ku Hambalyeeyey qaabkii ay u agaasimeen.

Waxa kale oo ay Goob-joogayaasha Caalamiga ahi mar kale ku celiyeen dhaliilihii hore loogu soo jeediyey wacyigalinta Diiwaangalinta oo ay sheegeen inay ahayd mid aad u hoosaysay, isla markaana ay yarayd wacyiga ay dadku ka haysteen Diiwaangalinta Cod-bixiyayaashaGoob-joogayaasha Caalamiga ahi sidoo kale, waxay Warbixintooda la xidhiidha Diiwaangalinta Doorashooyinka oo ay ku soo bandhigeen dhaliilo ay leedahay oo ay ku sheegeen kuwo siyaasadeed, waxaanay ka digeen khatartooda.



iyo tii Muwaadiniinta oo isa saarnaa.

 

Warbixinta Goob-joogayaasha Caalamiga ahi waxay u dhignayd sidan:-

Guud ahaan shaqada Diiwaangalinta cod-bixiyayaasha ee ay qabteen GDQ waxay ku dhamaatay guul iyo nabad, waxaana loo soo agaasimay si habaysan oo tayo leh. Shaqada ay qabteen GDQ shaqaalaheedu waxay ku suntantay oo lagu gartaa niyadsami iyo diiwaangalin hab xirfadaysan oo madax banana loo dhamaystiray.

Si kasta ha ahatee wali caqabado ayaa jira. Ma cadda sida diiwaanglainta kama danbaysta ah loo soo bandhigi lahaa, iyo sida ay usii wadi lahayd ku shaqaynta joogtada ah ee diiwaangalinta codbixiyayaasha. Caqabada ugu way nee soo socotaa ma aha uun sii wadi-taanka shaqadan ee farsamo, balse waxa iyana muuqata khatar siyaasadeed. Hadaba GDQ way ka war haysaa xaasaasinimada ku lifaaqan xogta Diiwaangalita codbixiyayaasha ee u baahan taxadirka iyo dhawrsanaanta, gaar ahaan marka loo daadago heer degmo.

Waxa aanu qabnaa, caqabada ugu way nee soo fool leh waxay la xidhiidhaa bandhigaas xogta. Geeddi socodka waa in loo maareeyaa si taxadir badan ku dheehan yahay. Waa se in loo bandhigaa diiwaangalinta codbixiyayaasha heer degmo si wadahadalka doorashooyinku-sida goobaha codbixinta iyo qoondaynta kuraasta baarlamaanku- u dhici karto hab qoonadaysan.