Somaliland Oo Wajahaysa Dagaal Siyaasadeed Iyo Mid Diblomaasiyadeed Oo Ay U Rag La'dahay Oo Kaga Imanaaya Xagga Xukuumadda Somalia

0
Friday March 31, 2017 - 17:55:02 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Wajahaysa Dagaal Siyaasadeed Iyo Mid Diblomaasiyadeed Oo Ay U Rag La'dahay Oo Kaga Imanaaya Xagga Xukuumadda Somalia

    hargaysa(afka);Somaliland Oo Wajahaysa Dagaal Siyaasadeed Iyo Mid Diblomaasiyadeed Oo Ay U Rag La'dahay Oo Kaga Imanaaya Xagga Xukuumadda Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hargaysa(afka);Somaliland Oo Wajahaysa Dagaal Siyaasadeed Iyo Mid Diblomaasiyadeed Oo Ay U Rag La'dahay Oo Kaga Imanaaya Xagga Xukuumadda Somalia


 

Ceeb Mise Caadi: Diyaaradda Hargeysa Ka Duusha Waxaa Amaankeeda Lagu Hubin Doonaa Laguna Baadhi Doonaa Muqdisho!

Hargeysa (afka)- Xukuumadda cusub ee Somalia ee uu hogaaminayo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa bilawday dagaal diblomaasiyadeed oo ay ku wiiqayso qaranimada Somaliland.

Arbacadii todobaadkan ayay ahayd markii uu dhaqan galay heshiiskii ay dawladda Somalia la saxeexatay dhigeeda Kenya kaasoo dhigayay in diyaarad kasta oo ka soo kacda dalkii hore loo odhan jiray Somalia oo ay Somaliland kujirto ay sii marto Muqdisho si loo sii baadho isla markaana amaankeeda loo hubiyo.


 

Arrintaas ayaa macnaheedu noqonayaa in diyaaradaha duulimaadka ah ee Hargeysa iyo Berbera ka kaca ay baadhitaan dhinaca amaanka ah ku mari doonaan magaalada Muqdisho, taaso wiiqaysa hoosna u dhigaysa sumcadda iyo karaamada Somaliland.

Sidoo kale duulimaadkii ugu horeeyey ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho ayaa bilaabmay waxaana ay hadda diyaaradda Muqdisho ka kacdaa toos u tagi doontaa Nairobi halkii ay ka sii marai lahayd Wajeer oo amaankeeda lagu hubin lahaa.

Somaliland ayaa u muuqata inay wajahayso dagaal diblomaasiyadeed oo waliba ay u rag la’dahay maadaama aanay illaa hadda xukuumaddu qaadin wax tallaabo ah oo ay kaga jawaabayso heshiiska dhexmaray Kenya iyo Somalia.

Dhinaca kale Somalia ayaa kordhisay dedaalka ay ugu jirto is-dhexgalka bulshooyinka Hargeysa iyo Muqdisho , qorshaas oo bilaabmay wakhtigii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ay xukuumadan cusubi u dejisay khidad cusub taasoo ay shaqooyin ku siinayso dhallinyarada reer Somaliland, dagaalkaas oo haddii ay ku guulaysato dhaawac wayn u gaysan waddaniyadda dadka reer Somaliland, maadaama xukuumadda aanu arrimahaas wax qorshe ahba ka lahayn.