Taliyahii iyo Xisaabiyahii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Xalay Xilalkii Laga Xayuubiyey+ Sababta iyo Cidda Lagu Bedelay

0
Friday March 31, 2017 - 17:59:42 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyahii iyo Xisaabiyahii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Xalay Xilalkii Laga Xayuubiyey+ Sababta iyo Cidda Lagu Bedelay

    hargaysa(afka);Taliyahii iyo Xisaabiyahii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Xalay Xilalkii Laga Xayuubiyey+ Sababta iyo Cidda Lagu Bedelay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hargaysa(afka);Taliyahii iyo Xisaabiyahii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Xalay Xilalkii Laga Xayuubiyey+ Sababta iyo Cidda Lagu Bedelay

-Wararka hada na soo gaadhaya ayaa sheegaya in xilkii laga xayuubiyey taliyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Axmed Daahir iyo weli ba sida oo kale xisaabiyahii ciidankaasi Maxamed Cabdi Yoonis ka dib markii khilaaf soo noq-noqday soo kala dhex-galay wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi. Xil ka qaadistan oo ahayd mid aan la shaacinin oo qarsoodi ah, ayaa wararka aanu ka helayno Madaxtooyada Somaliland, waxa ay sheegayaan in labadan xalay fiidkii labadan sarkaal ba laga xayuubiyey xilalkii ciidanimo ee ay ka hayeen Madaxtooyada Somaliland.

 


Waxaana taliyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland loo soo magacaabay Gaashaanle Cabdirisaaq Af-gaduud, halka aan weli la soo magacaabin xisaabiyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland.