Dad Badan Oo Ku Nool Caalamka Oo U Dhinta Istcimaalka Sigaarka

0
Thursday April 06, 2017 - 09:52:18 in by salman abdi
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Badan Oo Ku Nool Caalamka Oo U Dhinta Istcimaalka Sigaarka

    Tobankii ruux ee adduunka ku dhimataba mid ka mid ah ayuu sigaar dilaa sida ay muujinayso cilmi baaris cusub oo la sameeyay, kala bar dhimashadaasina waxay ka dhacdaa afar dal oo kala ah Shiinaha, Hindiya, Maraykanka iyo Ruushka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobankii ruux ee adduunka ku dhimataba mid ka mid ah ayuu sigaar dilaa sida ay muujinayso cilmi baaris cusub oo la sameeyay, kala bar dhimashadaasina waxay ka dhacdaa afar dal oo kala ah Shiinaha, Hindiya, Maraykanka iyo Ruushka.



Inkastoo sanado badan la soo waday siyaasado lagu xakamaynayo tubaakada, haddana tirada dadka ee sii kordhaysa ayaa sababtay in ay sare u kacaan dadka sigaarka caba, sida warbixintan ay ka digayso.

Cilmi baareyaaashu waxay sheegeen in ay macquul tahay in dhimashadu ay sare u kacdo maadaama oo shirkaduhadaha Tubaakadu ay si wayn isugu dhabar jabinayaan in ay helaan suuqyo cusub, gaar ahaan dalalka soo koraya.

Cilmi baaristan waxaa daabacay jariiradda arrimaha caafimaadka ee The Lancet.

Dr Emmanuela Gakidou oo ka mid ah soosaareyaasha sare ee cilmi baaristan ayaa sheegay in inkastoo nus qarnigii u dambeeyay cadaymo ku filan loo hayay in tubaakadu ay caafimaadka u daran tahay, haddana afartii rag ah ee dunida joogaba mid ka mid ah ayaa sigaaryo cab ah.

Sigaar cabidda ayaa wali ah shayga labaad ee dadka ku haya halista ah in ay durba dhintaan ama naafoobaan, si arrintaas loo yareeyana waa in wax laga qabto oo laxakameeyo tubaakada, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Emmanuela.

Hay’adda cilmi baarista caafimaadka samaysa ee magaceeda loo soo gaabiyo GBD ayaa warbixinteeda ku salaysay habdhaqanka sigaar cabidda ee 195 dalal iyo deegaanno, baaritaankaas ayaana la sameeyay intii u dhaxaysay 1990kii ilaa 2015kii.

Hay’addu waxay ogaatay in ku dhawaad hal bilyan oo ruux ay sigaar cabayeen maalin kaste sandkii 2015kii, taas oo ka dhigan afartii rag ahba uu midi sigaar cabo, 20kii dumar ahna ay midi sigaar cabto.