Wiil Muslim Ah Oo Lagu Hor Dilay Gabadhii Uu Jeclaa Oo Ay Kala Diin

0 in by Burco Office
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Muslim Ah Oo Lagu Hor Dilay Gabadhii Uu Jeclaa Oo Ay Kala Diin

    Wiil Muslim Ah Oo Lagu Hor Dilay Gabadhii Uu Jeclaa Oo Ay Kala Diin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Muslim Ah Oo Lagu Hor Dilay Gabadhii Uu Jeclaa Oo Ay Kala Diin

Dalka Hindiya, had iyo jeer waxa ka dhaca dhibaatooyin la xidhiidha dhinaca Diinta, taasi oo ay iskaga hor yimaadaan Dadka ku wada nool Dalkaasi ee haysta diimaha kala duwan, sidaasi awgeed ayaa waxa ka dhacday Dalkaasi arrin aad u murrugo badnayd kadib markii wiil dhallinyaro ah oo Muslim ahaa la dilay, sababtuna ay ahayd in tuulada ay ka soo jeeday gabadha uu jeclaa oo ay dadkeedu haystaan Diinta Hunduuska, Tuuladan oo magaceeda la yidhaa Gomla kana tirsan Gobolka Jharkhand ee Bariga Dalkaasi Hindiya.


Wiilkan oo la odhan jiray Mohamed Shaleek oo da’diisu aheyd 20 jir ayaa waxa qudha ka jaray tobanaan qof oo ku dhaqan tuuladaasi, kadib markii uu tuuladaasi yimmi isaga oo watta Mooto, isla markaana uu tagay gurigii ay gabadhu daganayd waxaanu rabay inuu gabadhaasi kaxaysto, balse nasiib darro waxa isla markiiba arkay qaar ka mid ah dadkii tuulada daganaa waxaanay markiiba ka soo laalaadiyeen Geed, iyaga ku bilaabay in qof kastaa uu ku dhufto wixii uu awoodo, arrintaasina waxay dhacday maalintii Arbacadii ee Toddobaadkii hore waxaanu Mohamed u geeriyooday dhibaatooyinkii soo gaadhay Maalintii Khamiistii, waxa kale oo aad u murrugo badnaa sida lagu soo bandhigay Shabakada wararka ee France Press oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay in gabadha uu jeclaa wiilkani ay goob joog u ahayd dilkaasi foosha xun, iyada oo weyday awood ay ku difaacdo.

Sidoo kale Af-hayeen u hadlay Ciidanka Bilayska ee Gomla oo la yidhaa Shandan Kumarayaa waxa uu yidhi "Waxaanu hubinaynaa in waalidka dhalay gabadhani ka danbeeyeen arrintan oo ay dadkan soo direen, waxaanu gacanta ku haynaa Saddex qof, waxaana lagu daba jiraa kuwa kale oo falkan gacan ka geystay, waxaanu filaynaa in sababta ka danbaysay falkani la xidhiidho arrimo dhinaca diiinta ah”.

Sidoo kale Af-hayeenka u hadlayay Ciidammada Bilayska ee tuulada Gomla ayaa xaqiijiyay in Mohamed Shaleek iyo gabadhan uu jeclaa ay muddo sanad ah kulmin, isla markaana marrar dhawr ah loo soo diray hanjabaado badan balse Jaceylka ay isku qabeen awgii ay rabeen inay is guursadaan oo ay nolol waddaagaan.