Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Dhex Fadhiistay Maamul Goboleedyada Soomaaliya Shirkii Uganda.

0 in by Burco Office
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Dhex Fadhiistay Maamul Goboleedyada Soomaaliya Shirkii Uganda.

    Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Dhex Fadhiistay Maamul Goboleedyada Soomaaliya Shirkii Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Dhex Fadhiistay Maamul Goboleedyada Soomaaliya Shirkii Uganda.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay sababta ay uga qaybgashay shir loo qabtay maamul goboleedyada dalka Somalia oo ka dhacay dalka Uganda kaasoo looga hadlayay xaaladda xoolaha soomaalida.


Wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo isagu xukuumadda shirkas ku metelayay ayaa qiray inuu dhex fadhiistay mamulada Somalia, hase yeeshee waxa uu sheegay inay Somaliland si gaar martiqaadka u haysatay, halka maamulada Somalia ay hal waddan isku ahaayeen.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay IGAD ayaa waxa uu Wasiir Cukuse sheegay inay Somaliland ku qasbanayd inay ka qaybgasho maadaama sida uu sheegay ay nolosheenu ku xidhnayd waxaana uu xusay in guul ka wayn midii uu ka filanayay uu kala kulmay, isagoo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

"waxaanu ka qaybgalnay shir urur goboleedka IGAD hay’ad ay leeyihiin oo AU Aiber la yidhaahdo ay soo qaban qaabisay oo daneeya xoolaha nool, waa hay’ad muddo dheer inala shaqaynaysay oo urur goboleedka IGAD dhulka uu ku siman yahay oo dhana ka hawlgasha, shirkas waxaa ka soo qaybgalay maamulka Somalia, Somaliland, Puntland FOA, EU iyo maamul goboleedyada Jubbaland Koonfur Galbeed iyo Galmudug, lakiin wad ogtahay oo inaga waxa la ina yidhaahdaa Republic of Somalilland iyagana waxa la isku yidhaahdaa federaalka Somalia, shirkaas inagu dan baynu ka lahan dantiina waynu ka gaahdnay iyo dheeraad, shirkaas nolosheena oo dhan baa ku xidhnayd waxaana lagaga hadlayay arrin dhaqaale, arrin siyaasadeed ma ahayn”.

Inkasta oo uu wasiirku qiray inuu ka qaybgalay shirkaas maamulada Somalia la isugu yeedhay hadana marka hadalkiisa laga yimaado cadaymo muujinaya in xukuumadda Somaliland si gaar ah loo soo martiqaaday.