Nin Curyaan Ah Oo Markii Ugu Horeysay Madaxweyne Ka Noqdey Dal Caalamka Ka Yaala + [ Sawiro ]

0 in by Burco Office
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Curyaan Ah Oo Markii Ugu Horeysay Madaxweyne Ka Noqdey Dal Caalamka Ka Yaala + [ Sawiro ]

    Nin Curyaan Ah Oo Markii Ugu Horeysay Madaxweyne Ka Noqdey Dal Caalamka Ka Yaala + [ Sawiro ]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Curyaan Ah Oo Markii Ugu Horeysay Madaxweyne Ka Noqdey Dal Caalamka Ka Yaala + [ Sawiro ]
Ecuador (afka):- Shacabka wadanka Ecuador ayaa doortay Madaxweyne cusub oo lagu
magacaabo Lenín Moreno, isagoo xafiiska la wareegi doonaa Bisha soo socota.



Lenín Moreno ayaa noqon doona Madaxweynihii uggu horeeyey caalamka oo xil qabta isagoo lixaadkiisu dhimanyahay waxaana uu ku socdaa gaadhiga loogu talo galay dadka curyaamiinta ah.
 
 
Sanadkii 2012 ayuu Lenín Moreno sheegay in marka uusan qofka lugo lahayn uu yahay kan ugu hooseeya bulshada isagoo xilligaas ahaa Madaxweyne ku xigeen.

Waxaa doorashadiisa soo dhoweeyey kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha oo shacabka wadanka Ecuador ugu hambalyeeyay jidka cusub ee ay u fureen dadka curyaamiinta ah.


Dadka ka soo horjeeda waxay waxay ku dhaliilaan inuu yahay nin hal adag isla markaana aan aad uga helin Warbaahinta.

Saraakiisha dowladda ee eedaha musuqa la xidhiidha loo heysto ayuu sheegay madaxweynaha cusub inuu talaabo adag ka qaadi doono.


Moreno ayaa xilka kala wareegaya madaxweynaha xilka ka degaya Rafael Correa oo looga guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.


Hogaamiyaha cusub ayaa waxaa la sheegaa inuu caan ku yahay farxadda, niyad samida iyo dhiirro gelinta dadka lixaadkooda dhiman yahay waana cod kar aan la gambban waxa ku jira qalbigiisa.