Siddeed wasiir oo reer Brazil ah oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siddeed wasiir oo reer Brazil ah oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

    Siddeed wasiir oo reer Brazil ah oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siddeed wasiir oo reer Brazil ah oo lagu eedeeyay musuqmaasuq
Xukuumadda Brazil waxaa ruxay eedaymo cusub oo musuqmaasuq ka dib markii uu garsoore amray in baaritaan lagu sameeyo siddeed wasiir iyo tiro xildhibaanno ah.
Dadka liiskan ku jira waxaa ka mid ah agaasimaha madaxtooyada, ninkii duqa magaalada ka ahaa Rio de Janeiro markii lagu qabtay tartankii Olambigga iyo ugu yaraan afar madaxweyne oo hore.
Waxaa magacaabay shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Odebrecht, oo qiray in laaluush u bixiyeen hal bilyan oo doolar.
Arrintan waxay qayb ka tahay baaritaan musuqmaasuq oo muddo saddex sano ah lagu hayay shirkadda shidaalka ee Petrobras.
Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Shirkadda dismaha ee Odebrecht
Dhammaan 108 ruux ee uu magacyadooda shaaciyay g Edson Fachin oo ah garsooraha maxkamadda sare ayaa looga shakisan yahay in ay ku lugleeyihiin laaluush baaxad wayn iyo lacago si aan haboonayn looga qaatay shirkadda shidaalka oo galay jeebabka siyaasiyiinta.
Markii la shaaciyay magacyadan dadka degan magaalada Sao Paulo ayaa isugu soo baxay mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan musuqmaasuqa siyaasadaysan.