Cajiib??:!!!Magaalada Burco,waxaa ku sii badanaya ,Maqaaxiyaha lagu Qayilo,Waxana Sii Dabar Go-aaya Malcaamadihii Quraanka,Bal Eeg Sababta?MukhtaarMahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)0634431347.

0
Tuesday July 08, 2014 - 18:05:19 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cajiib??:!!!Magaalada Burco,waxaa ku sii badanaya ,Maqaaxiyaha lagu Qayilo,Waxana Sii Dabar Go-aaya Malcaamadihii Quraanka,Bal Eeg Sababta?MukhtaarMahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)0634431347.

    Waxaan Salaamaya Ummada islaamka ,iyo ummada afka soomliga ku hadashaba,,intaa ka dib waxaan aad ula yaabay ,mudana aan baadh-baadhayaay Qof aan kala sheekaysto ,Qisadan Cajiibkaa,oo runtii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan Salaamaya Ummada islaamka ,iyo ummada afka soomliga ku hadashaba,,intaa ka dib waxaan aad ula yaabay ,mudana aan baadh-baadhayaay Qof aan kala sheekaysto ,Qisadan Cajiibkaa,oo runtii

qofkii Daamiir leh ee inuu Iiman Qalbigiisa uu ku jiro uu ka naxaayo,waxana weeye magaaladii burao oo ay kusii badanayaan Goobaha lagu Qayilo-aanay sii dabar go,ayaan ,Malcaamadihii Lagu baranjiray Hadalka ilaahay ,Laguna ,bar-baarinjirayUbadkeena ,yar-yar Laguna Tarbiyadayn jiray,maadama oo aynu nahay Dad islaama ,Oo Raacaya wadada ilaahay ,Oo Garanayaa Waxa Aduunyada Laynoo Keenay ,OoGaranaaya ,Hadii Hadalka ilaahay la ilaalin waayo,Inaynu Dabar ,Go,ayno,Oo aynu Mudanayo Cadaab ,Ciqaab ,Cid,laa,aan ,Garab ,la,aan ,Hiil la,aan Horumar la,aan Hiigsila,aan.

Hadaba walaalayaal waaxaad nasiib daraa manta in maagalada burao hadii la tiriyo Malcaamadaha aad aad ula yaabayso ,intay ka yihiin ,Burco guryaha ,lagu dhigto Quraanka ,ama ay u Kiraysanyihiin ,waxaana meelkasta oo Qiimo lahayd ,laga dhigay ,Kabadh qaad ,iyo Guri ay Reeruhu ku shiraan Subxaana laah ,waar Ilaahaybaan idinku Dhaarshee ,Bal is waydiiya ,Saladii hore ee aad arki jirtay hadaad baxdo Currur Kitaab sii sidata ,Malcaamado ,farobadan oo wado walba ku yaal ,meelkasta waxaa ku taalay ,malcaamad ,oo seked adoo iska maraya aayaad maqlaysaa Dhawaaqa-iyo khriska Higaaada ,Alla Maansha ,allah ,halkani ma malcaamadbaa ,maantana ,Markaad seked ka soo laabataba Waxaad maqlaysaa Dhawaaq---Hees –Kaman ---Hees ?!!!! ilaahay mawaxaas ayuu Aduunkainoo keenay,hadiise aynu ka hadlo maxaa ina helaayaa,waar ilaahay ka baqa ,oo bedela waxan ,OOha lays garabsado ,Dawlad ,Culumo,Cuqaal ,Haween ,Dhalinyaro ,iyo cidkasta,oo dhaqankeenii aynu Dib ugu noqono ,Waalahay Hadii kale in dhawaan la waayin meel uu ka baxaayo Kalaamka ilaahay Ee Mudan Sharafta,Cisiga,Maamuska,Qadarinta ,Ilaalinta,Dayactirka,Hadalhaynta ,U heeliinta ,Karaamada ,runtii waxaynu sheegidoonaa xogo badan oo ku saabsan ,Waxa kasta oo aynu kala kulmaynaba ,laakiin ,Waa iga Dar-Daaran ILaahay ka baqa ,Reer Burco meelkastaad joogtaan ,Jaaliyadana ,waxaan leeyahay Wadadaba ,Waad u ururintaqaanaan lacagtee ,lacagtiina ,ku bixiya Dayarta,malcaamadaha loo baahnaa inay gasho ,ee lagu bilaabayo prive –halkii dhaqanku ahaa in malcaamad lagu bilaabo,oo waad awoodaane ,bal shan inaan oo beeshiina ka mida u fura malcaad ,markan oo kale ayuu qabiilku Qaayo leeyahaye ,Halkaad haduu idin yidhaahdo ,Qoribaandoonayaanaba ,aad odhanaysan Xawaalad halka kuugu dhow tagtaas ayaa aakhri in anfacaysee.

Lasoco Sababaha keenayinay malcaamaduhu Yaraadan? Cida ka Danbaysa? Cida Eedaa iska leh ? iyo waxa uu xukunkeenu noqonaayo ,iyo waliba siday ku haboontahay in dib loogu soo celiyo miisaankii Malcaamadaha Ee barashada Hadalka Eebe. Lasoco Qaybta labaad,insha allah.




Qalinkii: Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Burao/SomalilandMobil:0634431347

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com