Dhacdo Cajiib ah: Ma xusuusataa macalinkaagii dugsiga.

0
Tuesday July 08, 2014 - 20:32:09 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo Cajiib ah: Ma xusuusataa macalinkaagii dugsiga.

    Arday xaflad soo dhawayn ah u samaysay maclinkoodii Tarbiyada Islaamka ee Dugsiga Sarre 5 sano ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arday xaflad soo dhawayn ah u samaysay maclinkoodii Tarbiyada Islaamka ee Dugsiga Sarre 5 sano ka hor.

Waxay ahayd maalin qiimo badan. Taariikhdu markay ahayd 6dii July 2014 xaflad aad u qiimo badan ay soo abaabuleed arday u hobolyowday macalinkoodii dugsiga sarre u dhigi jiray Tarbiyada Islaamka shan sano ka hor (2009kii). Xaflada waxaa diyaariyaya fasal ka mid ah fasaladii dhigan jirtay dugsiga Noradin Secondary School sannadkii (2008/2009) oo la odhan jiray 4A (4A for ever).

Macalin Deeq Ciise Maygaag wuxuu ahaa macalinkii Tarbiyada Islaamka muddo afar sano ah wuxuuna sidoo kale ahaa macalinkii ugu horeeyay ee dib u daabaca ama u qora buugaagta Tarbiyada Islaamka ee fasalda 1- 4 aad ee dugsiga sarre. Iyada oo ay inta badan aanay ardayda dugsiyada sarre ku fiicnayn luuqada carabiga, hadana Deeq Ciise wuxuu ku guulaystay inuu soo barbaariyo jiil cusub oo jecel luuqada carabiga iyo Tarbiyada Islaamka. Wuxuu aad uga qayb qaadan jiray 5 sano ka hor barnaamijyada waxbarasho ee ka socday dugsiga Noradin. Ardaydii uu beertay Deeq waxay keentay isagoo dalka Norway ku maqan muddo 5 sanno inaanay illaawin ee ay xusuus wanaagsan oo qiimo badan leh u hayeen.

Xaflada afur iyo casho sharaf ah oo ay isku xaal waraysteen Deeq Ciise iyo fasalkii 4A ee sanadkii 2009kii waxay u badnayd waano, dardaaran, duco, iyo kaftan. Macalin Deeq Ciise wuxuu aad ugu mahad celiyay ardayda soo abuubushay xafladan wuxuunu kula taliyay inaanay dalkooda hooyo ka tahriibin ee ay ka faa’iidaystaan, Inay sarre u qaadaan aqoontooda xaga Shareecada Islaamka iyo hadii ay awood u leeyihiin inay guursadaan. Macalin Deeq waxa wajigiisa laga dareemayay farxad aad u wayn isagoo arkay qiimaha ay leedahay macalinimadu.

Xubno ka mid ah ardayda soo dhawaysay Sheekha ayaa iyaguna madashaasi ugu mahad celiyay maclinka sida fiican ee uu ugu soo tabcay. Sidoo kalena waxay uga xaal warameen halka ay ku kala sugan yihiin ardaydii uu wax u dhig jiray. Waxaa xusid mudan inay dhamaan ardaydii dhigan jirtay 4A (2009) ee dugsiga Noradin Secondary School ay noqdeen kuwo ku guulaystay nolosha oo waxbarashadana heer jaamacadeed ka gaadhay. Xertii 4A maanta waa dhakhtaro, saraakiil ciidanka ka tirsan, injineero, ganacsato, lawyaro iyo farsamo-yaqaano mana jirto cid nolosha ka dhacday.

Xafladan ayaa waxay ku dhamaatay jawi farxad iyo rayn-rayn ay ku dheehantahay.

Hadaba maxaynu ka faa’iidaynaa barnaamijyada noocan oo kale ah:

Sida aynu la wada socono Maclinku waa waalidka labaad ee ardayga. Arday kasta xiliga uu ku jiro geedi-socodka waxbarashadiisa macalimiintiisa wuxu u kala jecel yahay sida ay u fahmaan baahida iyo dareenada ardayga u gaarka ah. Hadii uu jiro xidhiidh xoogan oo ka dhexeeya arday iyo maclinka waxaa guulaysanaya bulshadeena oo dhan. Waxa wax lagu farxo ah arday shan sanno ka hor isku class ah inay ilaa manta isku xidhan yihiin. Oo ay waliba sharfaan malinkii u dhigi jiray Tarbiyada Islaamka oo ah maadad ugu muhiimsan waxbarashada ardayga dugsiga sarre.

Akhriste, waxan hubaa inaad jeceshahay maclinkaaga sida ay ardaydani u jeclaayeen. Waxaa dhici kara in aad uga sii jeceshahay. Guntii iyo gabo gabadii waxan idiin soo jeedinayaa inaan ixitraano, sharafno macalimiinteena.

 Dhamaad





adnanhagoog@gmail.com