Germany oo Xalay ku tumatay Xulka Loo martid Yahay ee Brazil iyo Cayaar xamaasad lahayd oo xalay dhacday

0
Wednesday July 09, 2014 - 12:20:28 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Germany oo Xalay ku tumatay Xulka Loo martid Yahay ee Brazil iyo Cayaar xamaasad lahayd oo xalay dhacday

    Xulka Garmany Oo Brazil Ku Dhigay Tariikh Aan Hore Ciyaaraha Aduunka Loogu Arag Kana Saaray Koobkii Aduunka Yadaan wakhtigii Loogu Talo Galay Dhamaan Ciyaarta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Garmany Oo Brazil Ku Dhigay Tariikh Aan Hore Ciyaaraha Aduunka Loogu Arag Kana Saaray Koobkii Aduunka Yadaan wakhtigii Loogu Talo Galay Dhamaan Ciyaarta.

Ciyaar semi final ah ayaa Dhexmartay dalalka Garmany Iyo Brazil waxayna ku bilaamtay guul ay gaadheen xulka garmany daqiiqadii 11 aad ayaa muller u dhaliyay garmany Goolkii u horeeyay waxaana sii socday weerarka ciyaarta ee garmany Goolkii 2 aad ayaa waxaa Shabaqa ku hubsaday 23 aad wax yar kadib ayuu hadana daqiiqadii 24 Iyo 26 Shabaqa ku hubsaday 2 gool oo kale waxaanu ka dhaliyay Sadexlay xulka Brazil oo lagu ciyaarayay dalkooda koobka aduunka ee 2014.

Daqiiqadii 29aad ayaa gool Kii 5aad Germany dhaliyay laacibka dhexda ee khedira Waxayna ciyaartu Noqtay Qaybtii hore 5 gool Iyo 0 oo Germany leeyahay.

Germany ayaa sidaa finalka ugu gudbaaya waxana kolay la kala dhalin goolal kale Lakiin sida ay hada u muuqato xulka garmany ayaa u gudbay final lana ciyaari doona holland AMA Argentina oo habeen Danbi Wada ciyaaraya kooda soo badiya.

Si kastaba ha ahaate xulka Brazil ayaa waxaa caawa xulka germany ku dhigtay tariikh horena Ugama dhinicin ciyaaraha aduunka AMA ciyaar semi final ah oo 45 daqiiqo ee hore lagu kala baxay.

Qaybtii danbe ee 45Daqiiqo ayaa lasu soo noqday waxaana gool Kii 6 aad laga dhaliyay Brazil Daqiiqadii 69 oo uu Shabaqa ku hubsaday laacibka Chelsea u ciyaara ee schurrle.
Garmany 6 Brazil 0.

Daqiiqadii 79 ayaa markale Brazil heshay Goolkii 7 aad ee ciyaarta waxaana Shabaqa dhigay isla markale laacibka schurrle.

Brazil ayaa heshay gool daqiiqadii 90+1 oo uu oscar u dhaliyay waxayna ciyaartu ku soo dhamaatay garmany 7 Brazil 1.

Xulka garmany ayaa sidaa ugu gudbay wareega lagu kala qaadyo koobka aduunka ee final ka waxanay la ciyaari doona holland AMA Argentina dalka baritoole soo badiya.



Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com