Dallada Sonyo Oo Gobolada Togdheer Iyo Saraar Qalab Ciyaareed Soo Gaadhsiisay Wakhti Ciyow Baa Ka Baryey , Hadii Togdheer Iyo Saraar Loo Hadlay Yaa U Hadlaaya Goboladii Kale Ee Somaliland Sida Buuhooodle Iyo Badhan‏

0
Wednesday July 09, 2014 - 14:49:12 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dallada Sonyo Oo Gobolada Togdheer Iyo Saraar Qalab Ciyaareed Soo Gaadhsiisay Wakhti Ciyow Baa Ka Baryey , Hadii Togdheer Iyo Saraar Loo Hadlay Yaa U Hadlaaya Goboladii Kale Ee Somaliland Sida Buuhooodle Iyo Badhan‏

    Dallada ay ku bahoobeen 54-Urur ee lagu magacaabo SONYO se iyadu isu aqoonsan inay tahay Dallada Dhalinyarada Somaliland ee heer qaran ayaa ku fashilantay waxqabadkeeedii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallada ay ku bahoobeen 54-Urur ee lagu magacaabo SONYO se iyadu isu aqoonsan inay tahay Dallada Dhalinyarada Somaliland ee heer qaran ayaa ku fashilantay waxqabadkeeedii,

waxaana ay dhawaan shaacisay inay  qalab ciyaareed gudoonsiinayso  dhamaan gobolada Somaliland hasa ahaatee waxay ka reebtay  Gobolada Togdheer  iyo Saraar .

Dhawaan ayey arintaasi bayaan kasoo saareen Ururada Dhalinyarada Togdheer oo isugu  jira kuwa qurba joogaa iyo kuwa dalka jooga sidoo kalena ay ka hadleen xubno kamida Masuuliyiinta Gobolka Togdheer, Xisbiga Mucaaridkaa ee Wadani  dadweyne fara badan oo reer Togdheer ah, kuwaas oo Dallada SONYO ku eedeeyey  inay bilowday  qabyaalad hor leh  islamarkaana ay ka feejignaanto bulshada reer burco.

Dalladan oo ay ku midoobeen xubno tiro yar  islamarkaana  kuwaas oo dhaqaalihii iyo awoodii ururku ay kusoo ururtay gudahooda, islamarkaana balaayiin dollar oo ay kusoo qaadeen magaca dhalinyarada keligood isku filaysiiyey, waxaa intbadan dhalinyarada Somaliland ayaa dhaloolo badan usoo jeediya dallada SONYO, hasa ahaatee waxay  dhawaan soo shaac baxay qabyaalada xubnaha sonyo ka wadaan Gobolada dalka ay oo ay dadkii ku kala qeybiyeen .

Dallada Sonyo ayaa markii ay aragtay dhaliilo badan oo loo soo jeediyey  ayna warbaahinta ka daalacatay  dadka isugu jira xubnaha  dawlada kuwa shicibka Ururada bulshadu ay ku dhaliileen inay samaysay qabyaalad tii ugu foosha xumayd, waxaa ay markiiba xubnahaasi sonyo ku dhaqaaqeen sidii ay  isaga danbabasi lahaayeen, waxaana  xili danbe gobolada togdheer iyo saraar gaadhsiiyeen waxay ugu yeedheen qalab ciyaareed.

Dadka ku dhaqan goboladaasi oo dareenkooda ka hadlay ayaa ku sheegay  in qalabkan maanta lasoo gaadhsiiyey  uu yahay saanbuuse laga eedaamay oo aanu maanta joogin markii loo baahnaa balse ay sonyo ku hanbabartay xili xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

Somaliland waxaa maaha oo keliya 9 Gobol waxaa isweydiin leh hadii  loo hadlay Gobolada Togdheer iyo Saraar yaa ku hadlaaya Goboladii kale ee bariga Somaliland oo iyagu  aan ilaa  hada la gaadhsiin wixii ay xaq u lahaayeen oo gobolada kale ay kala sinaayeen  ? Sonyo ayaa ku fashilantay  meeqaamka ay ka mudnayd dhalinyarada Somaliland waxaana ay hada ku can baxday musuq maasuq iyo korobshan.





Maxmed Cilmi

Burco /somaliland