Waa kuma hogaamiyihii ugu wanaagsan ee somaliland soo mara?boqor faysal cismaan

0
Thursday July 10, 2014 - 10:41:21 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma hogaamiyihii ugu wanaagsan ee somaliland soo mara?boqor faysal cismaan

    Dadka reer Somaliland ma haystaan hogaamiye wanaagsan? hore ma u soo maray? mase higsanayaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka reer Somaliland ma haystaan hogaamiye wanaagsan? hore ma u soo maray? mase higsanayaan?

Akhristeyaal maanta waxaan halkan ku daah-furaynaa codbixin aynu u qaadayno madaxweyneyaashii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray 1991-kii ilaa 2010 oo madaxweyne cusub la doortay.

Qormaddan ama Barmaamujkan oo ku salaysan lafa guris iyo aaraa-wadaag taxane ah oo aan doonayo inaad ila wadaagtaan dhamaantiin, waxaynu diirada ku saari doonaa laba qaybood oo kala ah: hogaamintii Madaxweyneyaasha iyo sida ay xukuumaddoodu ugukala fiicnaayeen dar-dar gelintaHay’addaha muhiimkau ah Dawladnimada.

Hadaba, intii ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland waxa soo maray afar Madaxweyne.

Laba ka mid ah ayaa shacbigu si toos ah u soo doorteen labada kalena waxa lagu doortay Shirarkii ka dhacay Burco iyo Hargeysa sanadihii sagaashamaadkii.

Waxa ay kala yihiin, Madaxweynihii ugu horeeyay AHN, Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Mudane Daahir Rayaale kaahin iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo iminka afar sanadood talada hayay.

Afartaa Madaxweyne mid waliba wuxuu lahaa ama uu leeyahay hanaan maamul oo Taariikhda u geli doon, ha xumaato ama ha wanaagsanaadee, taasoo u geli doonta ama ugu jirta, diwaanka qaranka,haday tahay horumarinta nidaamka dawladnimo ee dalka iyo wixiiDhaliilo lahaa.

Hadaba Akhrisyeyaal, Mawduucan oo sidaan kor idiinku xusaynoqon doona dood iyo aragti wadaag ku dhisan hab dhexdhexaad ah, isla markaana ka reeban u xaglin cid gaar ah, ama xisbi gaar ah iyo hogaamiye aynu dano khaasa ka leenahay, waxaynu ku hor mari doonaa sida ay ugu kala wanaagsanaayeenlaba Wasaaraddood oo muhiim u ah haykalka dawladnimo iyo dhismaha Qaranka, kuwaasoo aynu qaab la mid ah sidan madaxweyneyaasha u falanqeyn doono Wasiirradii soo maray tan iyo markii dhidibada loo taagay Qaranka.

Labadan Wasaaraddood oo kala ah arrimaha dibadda iyo Arrimaha gudaha, waxa soo maray Wasiirro tiro badan oo ka tirsanaa Xukuumadihii waddanka soo maray, tan hadatalada haysa ee uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ilaa xukuumaddii ugu horaysay ee Cabdiraxmaan-tuur.

Wasiirrada soo maray labadaa Wasaaraddood ee xukuumaddahaas kala dambeeyay, waxa xusid mudan in qaarkood dhowr jeer la bedelay, qaarna ay muddo dheer xilalka hayeen oo ay shaqaynayeen.

Hadaba, su’aasha isweydiinta leh, ayaa waxa ay tahay, xukuumaddeugu wanaagsanayd ee ay labadaa Wasaaraddood aadka u dhisnaayeen.

Tusaale ahaan,waa kuma Wasiirkii ugu wanaagsanaa xaga shaqada ee soo maray Wasaaradda arrimaha dibada ee horumarka ku sameeyay qastiga iyo ujeeddada ay u taagantahay,haday tahay soo jiidashada diblomaasiyaddeed ee Caalamiga ah iyo hawlaha Ictiraaf raadinta?.

Wasaaradda arrimaha gudahase Wasiirkee ugu wanaagsanaa ee soo maray intii ay isbedelayeen afartaa xukuumaddood?

Su’aalahaas Jawaabahooda, Iyadoo aan loo eegayn Qabiilnimo, xisbinimo, Gobolaysi iyo deegaamaysi toona, fadlan ra’yigiina ku soo hagaajiya email-ka iyo Taleefoonada hoos ku qoran.

Email:Kingfaysal111@hotmail.comama Telefoon: 063-4426644/ 063-4438402.

FG:natiijada coddeynta waxaan soo bandhigi doonaa dhamaadka bishan Barakaysan ee Ramadaan hadii eebbe yidhaahdo.

Markaasoo aynu bilaabi doono u codeynta hogaaminta Madaxweyneyaasha hadii alle ka dhigo.


Ilaahow xaqa na waafaji.


By: Boqor Faysal Cismaan Faarax

Hargeysa/ Somaliland

Email:kingfaysal11@hotmail.com